Warbixin: Wajiga dhabta ah ee Dagaalka Tukaraq

0

Dagaalka ka socda degaanka Tuka-raq. Markaan meel iska-dhigno mixnadaha nagu dabran oo ay u wayn-tahay caadifada indhaha-la´ ee naga xagaalisay hooshaarkii ummadnimo waxaanu arkaynaa dagaalkan in uu yahay mid lamid ah dagaal-kasta ee dad sokeeye ah dhex-mara ee dunida ka dhaca. Waa dagaal wakaaladeed (Proxy War) oo legdankiisu uu ka dhexeeyo shirkado shidaal, laakiin shakhmadka la dhaqaajinayo uu yahay siyaasi Soomaali ah iyo dhallinyaro soomaaliyeed oo ka amar-qaadanaya. Shirkadahaas oo ay leeyihiin dowlado shisheeye ayaa hadda ka-hor waxay midna heshiis la gashay maamulka Puntland midna maamulka Somaliland. Mid kamid ah wargaysyada ka soo baxa dalka Sweden oo la yiraahdo Aftonbladet, sebtidii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd 28/ 5- 2018-kii wuxuu daboolka ka qaaday arinkaas. Wargeyska oo soo qoray maqaal uu arintan ku caddeynayo, wuxuu cinwaan uga dhigay Dagaalka ka dhexeeya Norway iyo Sweden ee shidaalka Soomaaliya (Norska – Svenska Krig om Olja i Somalia)

Maqaalku wuxuu ku tilmaamay dagaalkan mid u dhexeeya laba shirkadood oo laga kala leeyahay labadaas dal. Haddaan isku deyo in aan soo af-rogo qayb kamid ah dhigaalkii, waxaa hor-dhiciisa kamid ah: Laba shirkado shidaal, Lundin Africa Oil oo laga leeyahay Sweden iyo DNO (Den Norska Oljeselskap) oo laga leeyahay Norway, mid waliba waxay horey heshiis ula dhigatay mid kamid ah labada maamul oo aanan midkoodna ictiraaf caalamia ah heysan. Heshiisyadu waxay la xiriiraan hal ceel shidaal oo labada maamul ay ku dagaalsan yihiin. Dhulkaas qallalan oo dhagaxa ah oo ku yaal degaanka Hol-hol (gobolka Sool) waxaa jira meel laga helayo calaamad raadka keliya oo ka muuqda uu yahay (Nugaal 1). Waa meesha uu ku yaal ceelka Hol-hol ee shidaalka. Calaamaddaas hoosteeda waxaa yaal hodantooyo wayn oo shidaal ah.

Labada degaan ee deriska ah, hodankana ku ah shidaalka, waxaa jira lacago ay xiiseynayaan oo ah dhaqaalaha ay shirkadaha shidaalka ku bixyaan cidda sheegata in ay ceelka maamuleyso. Iyada oo maamullada ay xiiseynayaan dhaqaalahaas ay shirkaduhu bixiyaan, ayaa bishii abriil 2007-dii Somaliland, dagaal uu dhiig ku daatay waxay ku qabsatay magaalada Laascaanood. Dagaalkaasi wuxuu dhaliyay in boqollaal kun oo qof ay qaxaan. Haddana 1-dii november 2012-kii ayaa waxay qabsadeen Xuddun oo degmo ka yar Laascaanood ah. Abriil 2013-kii, shirkadda DNO waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaas oo la xiriira ceelka shidaalka ee Hol-hol, iyada oo Hol-hol ay weli ku jirto gacanta maamulka Puntland. 24-kii abriil 2017-kii, ciidamada Somaliland waxay qabsadeen Hol-hol. Tan iyo maantana shacabka reer Sool iyo cuqaashooda ma oggola maamulka Somaliland.

Haddaan intaas kaga haro qoraalkii wargayska, gabadha la yiraahdo Kerstin Lundell ee maqaalka leh, waxay tahay wariye u dhalatay dalka Sweden. Iyadu goor hore ayay daba-gashay arintan. Waxay isku-deydey in ay wareysato labada shirkadood oo xiiseynaya ceelka Hol-hol. Mid waliba waa uu ka diidey in uu siiyo war-bixin. Ma ku heshiiyeen oo mid kamid ah maamullada ayay u xil-saarteen ceelka, mase weli waa ay ku dirirsan yihiin oo labada maamul ayay u kala hiilinayaa ?. Mid ay tahayba jawaabta su´aashan, waxaa muuqata oo dhallinyarada degaanka ay yihiin kuwo u sharaxan in ay dhiig badan ku daadiyaan dagaalkan wakaaladda ah. Iyada oo maslaxadda keliya ee siyaasigu ay tahay sida ugu wanaagsan ee uu u dhowran lahaa lacagaha uu helayo.

Kerstin Lundell ,waxay qortey buug ay ku magacawday Ganacsi dhex-yaal Dhiig iyo Shidaal (Business in Blood and Oil). Meelaha ay sida xooggan uga warantay waxaa kamid ah dagaalka wakaaladaysan ee ka socda waqooyiga Soomaaliya. Buugeedaaas waxay dhinac kaga xustay siyaasadaha iyo lacagaha ay adeegsanayaan shirkadahan ugaaranaya hantida ceyriin si ay ceelashaas u helaan. Dhanka kale waxay xustay dhibaatada ku kordheysa xaaladda dadka saboolka ah ee nolosha ku dhibban, taas oo ay sababtay hantida dabiiciga ah oo ay leeyihiin iyo mowqifka khaldan oo hoggaankoodu qaadanayo.

Waxaa hubaal ah, haddii siyaasiyiinta laga helo dhiiranaan ay kaga tagaan caadifadda beenta ku dhisan oo ay dad-waynaha ku maaweelinayaan, dabadeed ay u gudbaan in ay xaqiiqada nolosha la fal-galaan. Waxaa suuragal noqon lahayd, hantida ceegaagta ceelkaas iyo hantida kale oo badan ee uu dalku leeyahay, in uu qof walba oo Soomaali ah ka hodmi lahaa. Laakiin waxaa dhibaatadu ka taagan tahay siyaasi ayan u muuqan dhiigga dhallinyarada ee hudurka ku qubanaya, iyo natiijada ka danbeysa ee ah waalidiin gablama, xaasas asay qaada iyo caruur agoontooba. Siyaasi la maslaxada ah shirkadahaas doonaya in ay ka taajiraan hantida degaanka oo aanan kala jecleyn guryaha ku baaba´aya. Siyaasiga caynkaas ah markii uu helo shacab indha-la´ oo u jidbeysan codkiisa uu ku jilayo geesinimo uu ku difaacayo danaha beesha. Markaas dad-waynaha iyaga ayaa go´aanka leh ay qarniga 21-aad caruurtooda ama ku gobeynayaan ama ku gumeynayaan.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com