Wasaaradda Amniga oo ku dhawaaqday in Cafis loo fidinayay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah!

0

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Cafis u fidisay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee dowladda, in kastoo aysan Carrab baabin cidda Cafiskaas loo fidiyay Shaqsi ahaan.

Afhayeenka Wasaaradda Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Laamaha Ammaanka kulamo ay qaateen la isku Afgartay in Cafis loo fidiyo Mucaaradka Dowladda ee dhaliilaha xooggan soo jeediya, balse aan si toos ah looga aamusin Qaran dumin haddii ay sameynayaan.

Isagoo Wariyeyaasha Shir ugu Qabtay Muqdisho ayuu sheegay in hadda wixii ka horreeyay Dembiyadii dhacay ay Wasaaradda iyo Laamaha Ammaanku isla garteen in la cafiyo.

Wuxuuse digniin u diray Madaxda Mucaaradka oo uu sheegay in aan looga Aamusi doonin Dhaliilaha Qaran duminta ah ee ay Baraha Bulshada la taaganyihiin Habeen iyo Dharaar.

Hadalka Wasaaradda laguma sheegin cidda uu sida gaarka ah u quseeyo, balse waxaa ka muuqatay hadalka Cabdicasiis Xildhibaan in ay dowladdu si xooggan ula hadleysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasiga ugu saameynta badan kuwa Mucaaradka marka la fiiriyo Baraha Bulshada iyo Oraahyada uu ugu adeegsado dowladda Soomaaliya.