Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada oo Muqdisho Shir uga furmay

0

Shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayna ka qeyb gelayaan Ganacsatada Muqdisho ayaa maanta ka furmay Gobolka Banaadir, iyadoo ay sidoo kale shirka ka qeyb gelayaan xubno ka socda Bankiga Adduunka.

Shirka oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta dalka ayaa waxaa Ganacsatada ay wasaaraddu ugu soo bandhigi doontaa in ay bixiyaan Canshuuraha, si dowladda ay ugu fududaato in ay wax ka qabato Arrimahaas.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay Wasaaraddiisu Shirkan u qaban qaabisay, si Ganacsatada Soomaaliyeed looga dhaadhiciyo Bixinta Canshuurta, taasoo dalka horumar weyn kusoo kodhin doonta.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa in wasaaraddu ay shirkaas uga hadasho Canshuur kordhin horraantii bishaan la sheegay in lagu sameeyay Badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho oo laba weji loo canshuuro hadda, xilli markii hore ay hal hab canshuurta ku bixin jireen.

In kastoo wasaaraddu ay markii dambe Beenisay Warbaahinta Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xogdoonnews ayaa baahisay Toddobaadkii hore in Canshuur kordhin lagu sameeyey Dekadda Muqdisho, taasoo badeecadaha laba siyaabood loo canshuur, warkaas waxaan kasoo xiganay qaar ka mid ah Ganacsatada Dekadda wax kasoo degsata.

Markii hore Canshuurta Dekadda waxaa loo qaadi jiray hab si wadajira ah oo iyadoo Koonteenarka ku jirta ayaa la canshuuri jiray, halka habka soo kordhay uu yahay in Koonteenarkana lagu canshuuro, keddibna Agabka ku jira mid mid loo canshuuro.