Wasaaradda Maaliyadda oo Dhaqaale Dhallinyarada lagu shaqaaleeysiiyo Siineysa Maamul Goboleedyada

0

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa Waxay bixineysaa Dhaqaale maamul Goboleedyada loo qeybinayo kaasoo qorshihiisu yahay in Shaqo Abuur loo sameeyo dhallinyarada.

Qorshaha ay Wasaaradda Maaliyaddu ku bixineyso Dhaqaalahaan wuxuu noqonayaa mid looga faa’iideynayo dhallinyarada Shaqa la’aanta ah, iyadoo maamul Goboleedkii sida ugu wanaagsan dhaqaalaha la siiyay uga faa’iideysta loo kordhin doono.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii shaqo Abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo la Adeegsanayo Hannaanka dhaqaalaha loogu dhiibayo maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay si waliba u taageeri doonto shaqo Abuurka Dhallinyarada iyadoo laga duulayo sidii looga bixi lahaa Faqriga iyo Dagaallada dhallinyarada loo Adeegsado.