Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Digniin u dirtay Hey’adaha ka shaqeeya Waxbarashada

0

Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dalladaha Waxbarashada laga doonayo in ay soo diiwaan geliyaan Ardayda Iskuulaadka ay dhigaan uga qeyb geleysa Imtixaanaadka Dugsiga sare iyo kan dhexe ee Shahaadiga ah ee dowladdu ay qaadi doonto.

Xasan Maxamed Cali Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in waalidiinta iyo Iskuulaadka laga doonayo in ay Dalladaha ku Koontoroolaan in Ubadkooda ay iska diiwaan geliyeen Wasaaradda Waxbarashada, haddii aysan taasi dhicinna Imtixaanaadka waxba kuma qaadan doonaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dalladaha Waxbarashada ee dalka laga doonayo in ay sharciga u hoggaansamaan.

Imtixaanaadka Dugsiyada sare looga baxayo iyo kuwa dugsiga dhexe ee Shahaadiga ah looguna gudbayo Dugsiyada sare ayey sheegtay Wasaaraddu in la qaban doono Bartamaha Bisha May ee soo socota.