Xog: Wasiir Bayle maku qanci karaa Xisaab Celinta Wasiirka Maaliyadda Xaaf?

0

Maamulada ayaa looga dhafiyay inay keenaan Xisaab Celin la xariirta Lacagaha Dowaladda Dhexe siisay sida Kabidda Misaaniyadooda Billaha ah iyo Lacago loogu dhiibay Hormarinta Deeganaada ay Gacagta ku hayaan, Wasaaradaha Maaaliyada Maamulada ayaa laga sugayaa Xisaab Celin Dhab ah waxaana Gambar gaaban ugu Fadhiya Wasiirka Maaliyadda Dowladda Dhexe C/raxmaan Bayle Ducale, raga Gambarka loogu Fadhiyay waxaa kamid ah Wasiirka Maaaliyadda Maamulka Xaaf Saxiibka iyo Gacanta Midig ee Xaaf Ducaale Siciid Siyaad Shirwac.

Siciid Siyaad iyo Wasaaradda uu Maamulo ayaa soo Gudbiyay wax ay ku sheegeen Xasaab Celin balse u muuqda Allow warqad makuu dhiibay, labo Lagacood ayay Sheegeen inay kasoo gareen Dowladda Dhexe, tan Koobaad waxay ku sheeg Lacag ka timid Masharuuca “Surge Support” ee xafiiska Ra,iisulwasaaraha massuulka kayahey Galmudug-na looga qoondeeyey Qeybta 1.aad $600,000 ( lix boqoloo kun oo dolar)

Lixda Boqol waxay Sheegeen inay u qorsheeyen Sida tan

250,000 dhismaha madaxtooyaa Galmudug ee Dhuusamareeb, laba Boqol iyo Kontankaan waa ka been sheegeen Siciid iyo Wasaaradiisu wili majirto Madaxtooyo loo Dhisay Galmudugta Dhuusamareeb, Balse waxa jirta in Darbi lagu wareejiyay Dhisme hore oo lagu wado in Madaxtooyo laga dhigo Mustaqbalka waxaana Darbigaas Dhisay Gancsato kasoo jeeda Deegaanka oo ku midaysan Shirkad lagu Magacaabo Dal-Dhis, Dad Xog ogaal u ahaa Dhismaha Darbigaas ayaa ii sheegay in Xitaa (50 kun oo Doolar) aysan ku bixi karin Wareeninta Darbigaaas, waxaa kaloo jirta in Wili Ganacsatii ay Xaaf iyo Saxiibkiis Saciid Siyaaad ku leeyihiin Lacago uga maqan Dhisamaha Darbigaas.

150,000 dhismaha Wadada isku xirta Hobyo Gaalkacyo ayay Sheegeen inay ku bixiyeen, Xisaab Calintaan ka hor ma jirto cid maqashay ama aragtay meel Galmudugta Xaaf ay Dhaqaalo ku bixisay Dhisamaha Wadadaas, lacago laga aruuriyay Ganacsato iyo Bulshada Xoola dhaqatada ah ayaa lagu dhisay Wadadaas.

150,000 Gunnooyin shaqaale aan joogto aheen. Lacagtaan Run waa noqo kartaa inay bixiyeen

050,000 Dhaqdhaqaaqa wasaaradaha Galmudug ayay Sheeg inay ku bixiyeen Xaaf iyo Wasiirkiisa Maaliyadda, Bayle ha waydiiyo waatee Wasaaradda Adeeg Bulshada u haysa ee Galmudug oo Dhaq Dhaqaadaa?

Lacagta labaad ee ay qirteen in ay kasoo gaartay Dowladda Dhexe Waa lacag lagu kabo budget-ka ama Miizaaniyadda Maamulada una dhiganta bishii $150,000 (Boqol iyo konton kun oo dolar) Sagaal Bilood oo sanadkaan kamid ah ayay sheegeen in Lacagahaasi soo gaaren waxayna Wadarta Lacagtaasi noqonee 1350,000, Lacagtaan Boqol iyo Kontonka kun ah waxay sheegeen inay ku bixiyeen, Mushaarka Ciidanka NISA Galmudug, ogoow hade Ciidanka NISA ee Galmudug wili Cadaado ayay jooogan Siciid Siyaad iyo Xaafna Mushaar ay siiyaan Daaye inay kala diran ayay ka xigaan Sababtunu waa inay ilaaliyaan Garabka kasoo horjeeda ee Carabey iyo Cali Gacal

Gunnada Xildhibaanada Galmudug, ayay waraaqda ku buuxsadeen inay bixiyaan, Xaqiiqdisuu taas ka fog oo Xildhaano Gunno toos ama si siman uga qaato Saciid Siyaad majirin Wixiii ka danbeeyay markii Galmudug kala Fariisatay Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Dhaqdhaqaada Madaxtooda Galmudug, waa Arinta kaliya ee Xaqiiqda u dhow inay Lacag ku bixiyeen, Dhaq Dhaqaaq kalena majiree waa Guriga Xaaf ka dagan yahay Dhusamareeb oo laga Abaabulayay burburinta wixii ay ku heshiiyeen Bulshada Deegaanku Marka laga hadlo runtana Dhaqaalaha dhan halkaas iyo Dano kale oo gaar u ah Xaaf iyo Wasiirkiisa Maaliyadda ayaaa lagu bixiyay dhamaan lacaga soo gaaray Galmudug, sidaa Daraadeed, Jawaabta Su’aasha aan ku bilaabay Qormadaani waxay noqonee kuma qanci karo

FG: waxoo kaloo jira Lacago Xad dhaaf oo kasoo xarooda Koontaroolada Magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, iyo Dbuusamareeb oo laga qaado Gadiidka Dad waynaha ee Adeegsada laamiga dheeer ee mara Dhulka Galmudug, lacaghaan kuma jiraan Xisaab Celinta Wasiir Bayle ka rabo Siciid Siyaad oo ay ku dhacaan Qasnada uu u dhiibtay Xaaf Ducaale, Cadadka Lacagtaan iyo sida looga qaado Gawaarida iyo Halka ay martaba kula soco Qormooyinka xiga,

 

Qore Ali yare Abdiwahaab Aden

Email: Caliyareg@gmaill.com