Wasiir Goodax oo raligaliyay Puntland

0

Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa war kasoo saaray hadalkii uu shalay ka sheegay Magaalada Jowhar ee uu ku sheegay in uu fashilmay Imtixaankii dugsiga Sare ee degaanada maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkaasi uu ku dhacay si aan wanaagsaneyn, islamarkaana uu raalingalin buuxda uu siinaayo Shacabka degaanada maamulka Puntland.