Wasiir hore dulmiga dhaaf! Qore: yahya Amir

0

Maanta waa careeysanahay,iga raali ahaada haddan idinku badiyo. In kasta oo uu qoraalku dheeryahay fadlan wada aqri si aad garta u qaado.

waxaan xaq u leeyahay in aan ardaydeeyda wixii looga khaldan yahay iyo wixii ay ku khaldanyihiin aan u sheego. Maqaalkan mar hore ayaan rabay in aan qoro,laakin dib ayaan isaga dhigay,muddo sanad ka badan. Istanbuul ayaan ku arkay ardaydeeydii oo MA halkan ka diyaarinayo,waxa ay i weeydiiyeen: maxaa hortaagan in ardayda gudaha wax ku baratay ay shaqa helaan,waxaan soo xasuustay ,qoraalkan oo mar hore aan diyaariyay laakin aan iska keeydiyay, in uu ku saabsan yahay cilad ka mid ah ciladaha.

Qof ajnabiya ayaa yiri: burburkii 1991 kadib somaliya horuumar la taaba karo ayeey ka gaartay wax barashada. ( Muwaadinkuna muxuu yiri: Judy Maina oo ajnabi ah oo soo xigatay wasiir Somali American ah oo yiri: heerka jaamacadaha somaliya aad ayuu uga hooseeya heerkii laga rabay, mana laha dadka wax ku bartay guduhu tayadii ay shaqo ku qaban lahaayeen,waxaan soo jeedina in geeska Afrika ay ku haboon yihiin kuwii dibaddada wax ku bartay in la siiyo fursado shaqo.jaamacadaha waxaan ku eedeeynaa in ayna soo saarin ardaydii loo baahnaa,sidaa daraadeed ardaydaa shaqa lama siin karo shaqooyinka qaar haddii ay soo codsadaan ,sabata oo ah waxaa jira kuwa wax ku soo bartay Swedan,UK iyo US,wiilashaa iyo gabdhahaa faqriga ah ee gudaha dalka jooga lama bar bar dhigi karo kuwa dibadda wax ku soo bartay.

Judy oo qof ajnabiya ah ayaa waxa ay leedahay haddii aan ka soo tagno warka wasiirka Jaamacadaha somaliya qaar ayaa ka mid ah 100 ka jaamacadood oo ugu horeeya kumanyaalka jaamacadaha Afrika,weliba waxa ay ku dartay boqolaal arday oo somaliya oo gudaha wax ku bartay ayaa ka shaqeeya ururada caalamiga ah oo ay ka mid tahay UN.shaqa la’aanta ayaana keentay in arday jaamiciyiin badan ay yurub u tahriibaan iyaga oo sii maraa lama dagaanka.

Taa waxaan u arkaa in wasiirku uu beesha caalamka u dirayo, baaq fursado shaqo loogu diidayo ardayda gudaha wax ku baraty, wallaalaheena qorbaha ka yimid waxaan idinka fileeynay in aan wadanka wada dhisno,miyaad noqoneeysaan hogaamiya kooxeedyada qurba joogta ah,oo dagaal iyo khilaaf aqooneed abuuraya.jaamacadu waa 4 sanno oo wax barasha ah si aad u hesho xirfad aad bulshada wax ugu qabato. Wasiir Waxa aan kugu xushmeeynayaa xilka qaran ee aad heeyso. Waxaa kale oo aan isaga kaa dhaafayaa waxaan ogahay in ay jiraan diaspora aad u aqoon badan dadka iyo dalkana jecel qaarna waa joogaan,kuwa diaspora ah ayaa waqtiyadii dagaalada dalka noogu yimid oo si mutadawac nima ah sannad ama ka badan ardayda wax barayay.

Ma dareemee Md. Ex-wasiir in Jaraa’idka Nairobi oo ah xurunta ay daganyihiin hayadaha caalamigaa ee somaliya ay xigteen hadalkaagii, kuwa diaspora ah oo shaqa doon ahna ay u qeeybiyeen,si ayna kuwa gudaha wax ku bartay oo ka aqoon badini ula tartamin.Mudane wasiir adiga ayeey aheed in aad tixgaliso aqoontooda oo aad shaqo u raadiso.

Waxa aad inkiree ma ogtahay in ay tahay :shahaado jaamacadu bixisay, wasaarada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalkuna saxiixday, kadibna wasaarada arr. Dibaddu tasdiiqisay sharci nimada aqoonsigeeda ,intaasoo xafiis oo isla dowladaadii aad ka tirsan tahay ah miyaad beeninee.ma in aad caalamka ku tiraa dadkeeyga wax bartay yaan shaqa la siinaa. ma ogtahayin kuwa Diasporaa oo shaqa loo qoray in ay tababar iyo khibradba ka qaadanayaan kuwa gudaha wax ku bartay oo ardaydeeydii ahaa sida . Fowziya Abdihafiid iyo Amina Caraale. Ma ogtahay in ardaydeeydii dalka wax ku baratay qaar ayaa kula yihiin Wasiiro, taana ma tixgalin weeyday,kuwa kalena ay Danjirayaal yihiin. Oqoontu waxa ay u baahan tahay in dadnimo la jirto ogoow 13kii SYL midkoodna kama soo bixin Jaamacad, dibaddana wax kuma baran.Md. Ex- wasiir (albaab kasta ee laaban ma xirna ee riix si aad u furto).

Ha u qaadan faan ee anigu waxaan wax ku bartay dalka waxaana aan wax baray arday dalal kale u dhalatay.Jamacada Mogadishu University iyo qaybteeda Bossaaso waxaan ka noqday Hormuud,kuliyada dhaqaalaha iyo maamulka ,Jamacadda Horn of Afrikana waxaan ka mid ahaa masuuliyeenteeda.waxaan tagay jaamacada kale oo dalka ku yaal sida :jaamacadaha Hargeesa oo ka sareeysaa kuwa badan oo Afrika iyo yurub ku yaal,fiiri maktabadahooda iyo cilmibaarista ay sameeyeen,waxaa kale oo aan tagay Jaamacadda Camuud. aqoonta iyo khibrada aad sheeganee haddey jirto,qorbaha ceeyr kuma quudateen.

Anigu waxaan wax ku soo baratay dalka waxaana macalimiin ii ahaa Aqoon yahana badan oo ay ka mid ahaayeen prof: Cabdullahi qaloocow , prof: Mohamed saciid samar oo hadda degan Bossaso,prof. Admiral Farax qare,prof: dalmar ex-bank officer,prof. siciid firdhis. Prof: Osman Adow, prof. sharif Mohamed xassan,prof. Afrax iyo kuwa kale oo badan ayaa salka u dhigay asaaskii wax barashadeeyda marka laga reebo MA & PhD ee wax ima soo barin Mr.Jhon iyo micheal, aan kuugu daree anigaaba iyaga wax baray.

Dhinaca diintana waxaan qabaa aqoon ka sareeysa waxa ay aqoon u yaqaanin jaamacada reer galbeedku, waxaan wax ku bartay mid ka mid ah Moowlacyada xerta ee hoos taga Sh.Cali Maye oo reer Marka ahaa oo aan ku bilaabay kitaabka safiinada ee asaaska manhajka wax baraasho noo ahaa miyiga.

waxaan wax ka dhigay ama cashar sharafeed aan ka bixiyay jaamacado ay ka mid yihiin: Jaamacadii Ummadda, SIDAM, Mogadishu University, open university of Malaysia,iyo jaamacada kale oo Malaysia ku yaal, New york University , Tokyo University, Amsterdam university, Ruwanda institute,…. south Africa, University in Philippine , live science University-Norway iyo ,Oslo university, University of Kansas iyo kuwa kale , waxaan bare iyo supervisor u noqday arday u kala dhalatay in ka badan 40 wadan sida Swedan, Norway, Nepal, Kuwait ,Congo, Russia ,USA, Iran,Australia, Japan,India, iyo kuwa kale oo badan ,waan ku sii karaa ardaydaa cinwaanadooda si aad ula xiriirto. Sida: 1- Kiyoshi Matsukawa Japan, Tokyo university- PhD. 2- Khairunnisa-Northwestern University-Chicago –PhD. 3- Hannah Vaughan-Lee, SOAS-University of London-PhD. 4- Michael Skjelderup, University of Oslo-MA. 5-Aisha Ahmed-PhD.McGill University. 6- Inger Kristine MA, university and Life science.7- Abdilaahi Haji Said student at Norwegian university life and science -,iyo kuwa kale bugaagta ay ku qalin jabiyeen magaceeyga ka fiiri. laga yaabee kuwa ajnabi ah oo aan anagu wax barnay in ay adiga dibadda wax kugu bareen. Aan kuu sheegee arday UK iyo US ka yimid ayaa halkan wax barashadooda lagu qiimeeyay oo sannad ama ka badan dib loo celiyay.

Waxaan filayaa in aan qiimeeyn karo ardayda.waxaa diyaar u ahay in aan imtixaan ka qaadno 15&15.gudaha iyo dibada ah,maado ay ku wada taqasuseen,ma aha in aan leeyahy qola ayaa guuleeysee,waanse ku kalsoonahay kuwa gudaha. kutaabta haleey dhaafo,qofba calafkiisuu cunaa,qurbajooguna qaduuc ma wada ahan oo kuwa qiima badan oo aan ogahay ayaa ku jira .

ciyaar mood ciyaalka xaafada.

FG: raali ahaaw wasiir,ha u qaadan in aan isfaaninayo ama aan ardaydeeyda faaninyo,ee dulmiga ayaa iga careeysiiyay. Waxaad xor u tihiin fekerkiina, wixii aan ku khaldamay iga saxa.

FG: ( markii aan diyaarinayay PhD waxaa xushay topic macnahiisu muujinayo wadamada burbury sida loo dhiso. Tusaalana marxaladaha burburka waan soo arkay, waxaa jira waddama burbur ka soo kabtay sida Ruwanda, waxa aan tagay markii ay soo kabatay, kuwa loo diyaarinayo burbur sida yaman , markii cali cabdalla la bursanayay waan joogay oo xaaladda ayaan darsayay,waxa jira kuwa ku dhax jira burbur sida somaaliya,waan joogay.Ex-wasiiroo adiga iyo intii u diyaar ah in dalka la dhiso ee ku socoto waddadii saxda aheed ee lagu dhisi lahaa shuruud la’aan ,mutadawacnimo ayaan qaybteeyda uga qaadanayaa).

Qore: yahya Amir