Wasiir Islow Kursiga ma adigaa Iska leh?

0

Xilku ma ahan wax hanti ahaan  uu  shaqsi u yeelan karo,mana ahan shay hadiyada ahaan la iskugu hibeyn karo ee waa meertu ay u simanyihiin muwaadiniinta sharuudihiisa buuxiya,taasi waa mida haatan naga maqan in aan fahamno, si loo helo shaqsi sax ah, oo si hufan u gudan kara waajibaadka Howl qaran.

dulucda warbixintaan waa sida ay isku moogyihiin Xaalada dalku uu ku jiro iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo haya Xilka Wasiirka Amniga Qaranka, kursigana iskaga fadhiya Asagoo goobjoog ka noqday dhacdooyin Xasuus Murugo leh reebay oo uu ka mid yahay Xasuuqii 14-Oktoobar ee sanadkii 2017-kii ka dhacay Zoobe.

Markii aanu mid mid u dul istaagno dhacadooyinka Muqdisho oo kaliya ka dhacay, 2017-2018 wasiir Maxamed Abuukar Islow, waxaa uu noqonayaa shaqsigii ugu hogaaminta xumaa ee soomara waasaarada amniga qaranka oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay nabad galyada nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xasuuso weeraradii Ismiidaaminta ahaa  ee gaadiidka loo adeegsaday ee kala ahaa 14-kii Oktoobar,Hotel-naasahablood-2 ,Hotel Dayax iyo kuwa kale oo dad lagu dilay ay boqolaal gaarayaan, iska hor imaadyo ciidan iyo boqolaal qof oo sababsaday dilal qorshaysan oo badankood ka dhacay Magaalada Muqdisho,dhacdooyinkaas wasiir Islow waxaa uu ugu falceliyey Shirarjaraa’id uu ku dul qabto dhiiga muwaadiniinta oo dhulka waran, Asaga oo ku labisan Tuutaha ciidanka ama Suudka Xaragada.

Wasiir Islow guuldarooyinka dhanka Amniga qaranka ah ee wehesha u noqday, waxaa u sii dheer in uu noqday gaashaan bir ah oo siyaasadaha gurucan ay iska xijiyaan madaxweyne  Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare kheyre, waxaana loo adeegsaday fulinta amaro lagu mamnuucey shirarka siyaasadeed,Asaga oo ka soo dhexmuuqday, weerarkii dhimashada lahaa ee dhamaadkii sanadkii 2017 lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame, sida uu qirtay wasiir Islow, sidoo kale qeyb ayuu ka qaatay tuuristii,Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo xilka looga qaaday Abaabul ka yimid RW Kheyre, talana waxaa uu kulahaa Jaahwareerkii xilka qaadistii badnayd ee lagu sameeyey taliyshaada Ciidanka oo nabad sugidu ay ugu horeyso.

Wasiir Islow Ducaale inta uu xilka hayey wax-qabadkiisa waxaa ka mid ahaa in uu si xushmad daro ah uu shaqada uga eryey Labo Afhayeen oo wasaarada Amniga soo maray oo  kala ahaa Sayid Axmed Carab iyo C/caziiz Xildhibaan, oo shaqa laga Cayriyey ka dib markii ay dhaliileen hab dhaqanka wasiirka amniga, iyo inay jiraan saraakiil dowladda ka tirsan oo Al-shabaab weerarad u fududeeya.

Wadooyinka oo Muddo Xirnaa qaarkoodna  ay noqdeen meel maritaanka ka caagan, shacabkuna  ay ku cadiban-yihiin,xaalada xukumadu ay Xamar ku soo rogtay,ayaa 7-July rag hubeysan oo gaadiid qaraxyo ah wata waxaa ay galeen xarumihii  wasaaradaha Arimaha gudaha iyo amniga oo  uu ku shaqeynayey wasiir Maxamed Abuukar Islow,halkaasna waxaa ka bidhaamay shaki ah in wada shaqeyn ka ay dhaxeyso, Al-shabaab weerarka fuliyey iyo laamaha amniga,xiligaas shacabka Soomaaliyeed waxa ay sugayeen in uu xilka iscasilo wasiirka amniga,maadaama shacabka loo diiday inay wadooyinka isticmaalaan,Shabaabna loo ogolaaday inay gaadiid qaraxyo ah ay ula gudbaan xarumaha dowladda ugu muhiimsan.

Sidoo kale gaadiid qaraxyo ah iyo koox hubeysan ayaa weerarey afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya shakiga bulshada soomaaliyeed ee ku aadan in dowladdu ay fududeyso weerarada Al-shabaab waa uu xoogeystay,waana filashadii labaad ee la sugayo in uu iscasilo wasiir islow,taasi badalkeedase waxaa warbaahinta laga arkey wasiir Maxamed Abuukar Islow oo bogaadinaya,caqiidada ay aaminsanaayeen Al-shabaabkii shacabka iyo shaqaalaha dowladda ku laayey goobaha ay galeen.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale waxaa macalin weyn oo waayo  jooga ah uu ka noqday Muqdisho oo meydka dadkii uu xilka u hayey uu wadooyinka gagan-yahey iyo ka qeyb qaadashada qalalaaso siyaasadeed oo dalka qalqal-galiyey,sidaas daraadeed muwaadin Isweydii sababta wasiirka Amniga Maxamed Abuukar uu xilka ugu dhagan yahay, Asaga oo xambaarsan,guuldarooyinka muuqda ayadoo ay xusid mudan tahay in xilka qaadis lagu sameeyey Mas’uuliyiin howl gudashadooda ay muuqatay!

Muxuuse uga duwan yahay Cabdikariin Xussen Guulled oo xilka wasaarada Amniga qaranka iscasilay 24-May,2014 xiligaas oo la weeraray Xarunta Baarlamaanka,!! Sanad iyo bar waa aragney, wixii dhacdooyin Amni oo Xanuun badan dalka ka dhacey.

Waana yaqiin in aadan  aheyn sida aad ismooday laakiin aad  tahay sida dadku ay ku moodaan muwaadin dib u milicso wixii dhacay isna weydii Suaal ah “Wasiir Islow Kursiga ma adigaa Iska leh?

W/Q:-Cawil Maxamed Ciise indhacade