Wasiir ka tirsan Xukuumadda Khayre oo Iscasilay

0

Cabdicasiis Xasan Maxamed Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo.

Waxaa uu sheegay in uu u mahadcelinaayo ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,islamarkaana uu go’aasaday in uu xilkaasi ka taggo si uu buuxiyo Shuuraddaha laga rabo Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa warbaahinta u sheegay in uu yahay Musharax u taagan qabashadda xilka Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta sidda weyn loogu saadaalinaayo xilka Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana horay loogu eedeeyay in ay taageerayso dowladda dhexe ee Soomaaliya