Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo hadalkii ugu farxada badnaa Abid jeediyay

0

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in ay dhisto iskuul weyn oo loogu tala  galay in ay wax ku bartaan Ardeyda Naafadda ah dhawaana la soo bandhigo doono qorshaha qaadashada Macalimiin cusub.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay wado qorshe ay ku qoreyso macalimiin ka badan 500 Macalin kuwaas oo wax ka dhigi doono Iskuulo ay gacanta ku heyn doonto Xukumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in macaliintaasi ay ka shaqeyn doonaan Muqdisho iyo sidoo kale gobolada Soomaaliya , islamarkaana si weyn loo ballaarin doono hanaanka waxbarashadda.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmo ka hor ay banaanbax dhigeen Barayaasha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed oo ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya kadib markii ay sheegeen in ay waayeen Mushaarkooda muddo dhowr bilood ah.