Wasiir Khadiijo oo Qorsheyneysa in dayactir lagu sameeyo Garoonka stadium Muqdisho

0

Wasaaradda Dhalinyadda iyo ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay qorshihii lagu dhisi lahaa Garoonka Ciyaaraha ee stadium Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Sports-ka Soomaaliya Qadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in ay Dhawaan Stadium Muqdisho ka bixi donaan Ciidamadda AMISOM ee mudada Dheer ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa xustay in markii ciidanka laga saaro garoonka la bilaabi doono dhismihiisa si qeyb ay uga qaadato horumarinta ciyaaraha dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Dhalinyaradda ayaa sheegtay in sidoo kale la dhisayo Xaruntii ugu weyneed ee Xiriirka Kubadda Cagta oo ay xustay in ay iminka Xiriirka Kubadda Cagta ay dagan yihiin Xarumo Kiro ah.