Wasiir Oomaar “Hay’adaha UN-ka carqalad ayay ku noqdeen Garoonka Diyaaradaha”

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira howlaha ay qabato Wasaaraddiisa.

Wuxuu sheegay Hay’adaha UN-ka in ay degan yihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, sababo amni darteed, balse ay carqalad ku noqdeen balaarinta iyo howlaha kale ee ka socda, muhiimna ay tahay in arrimahaasi wax laga qabto.

Sidoo kale Wasiir Oomaar ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in la sii deganaado, Agagaarka Garoonka Diyaaradaha, hadana uu tilmaamay in wada hadal ay halkaasi uga guurayaan hay’adahaasi.

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kale sheegay si Garoonka looga dhigo Garoon caalami ah muhiim ay tahay in dib u habeyn lagu sameeyo, ayna guuraan Hay’adaha halkaasi degan, waqtina loo qabtay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey arrintan wuxuu u horgeeyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyada oo Golaha ansixiyay in Hay’adaha iyo guryaha halkaasi ka dhow ay guuraan.