Wasiirada K/Galbeed oo shir aan caadi ahayn isagu Yimid

0

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulanka looga hadlay arrimaha ammaanka, safarkii Madaxweynaha uu ku tagay Imaaraadka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa markale ku celiyay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, oo ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa sheegay shirka Axada ka furmaya magaalada Kismaayo in ay ka qeyb geli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa tacsi u diray ehelada Askartii ku geeryootay weerarkii Al-shabaab Jimcihii ina dhaftay ay ku qaadeen degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.