Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xubno ka tirsan Labada Aqal iyo Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu Muqdisho u yimid in uu howshiisa qabsado keddib marka loo dhaariyo isaga iyo 2 wasiir oo kale Xilalka uu dhowaan u magacaabay Kheyre.

Waxa uu ka hadlo Wasiirku Naga filo