Wasiirka Dastuurka oo sheegay in Baarlamanka la horkeenayo Maamul goboleedyda dalka si loo sharciyeeyo

0

Wasiirka Wasaarada dastuurka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xooosh Jabriil ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Federalka Soomaaliya la hor geyn doono Baarlamaanka si loo Sharciyeeyo.

Wuxuu sheegay in laga  loo baahan yahay in la helo qorshe rasmi ah iyo nidaam dastuuri ah ee ay ku wada sheqeyn karaan dowlada Soomaaliya iy Maamulada dalka , waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in barlamanka Soomaaliya ay meel mariyaan .

Dastuurka Soomaaliya ayaa wali ah mid qabyo  qoraal ah waxana sidoo kale jirin sharci xadeynaya  soohdimaha ay kala wadaagaan maamulada dalka iyo nidaamka ka dastuuriga ee kala haga awoodaha sharciga ah ee kala haga dowlada dhexe iyo Maamul goboleeyada dalka.

Maamulada qaar ayaa dhisan muddo ka badan seddex sano halka qaarna aysan wali sanad jirsan sida Maamulka Hirshabeelle waxaana si isku mid ah ay u hor imaandoonaan Baarlamaanka Soomaaliya .

Xogdoonnews;

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here