Wasiirka Dekadaha Puntland oo sheegay in Mamnuucidda DP World aysan Quseyn Heshiiska dekadda Boosaaso

0

Wasaaradda Dekadaha Puntland ayaa waxay sheegtay in uusan saameyn ku yeelan doonin, go’aanka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World, heshiis dhismaha dekadda Boosaaso ay kala gashay shirkadda P&O.

Maamulka Dekeda Boosaaso ay gacanta ku heyso Shirkadda P&O oo hoos tagga DP-World ayuu sheegay in kaliya amarkaan uu ku eg yahay DP-World Somaliland oo gashay heshiiska Saami qeybsiga Dekeda Berbera.

Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O.

“Xeerkaan ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Maamulka Somaliland oo heshiis kula jirto DP-World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta” ayuu yiri Wasiirka Dekeda Puntland.

Golaha Shacabka ayaa qaraarkii ay codka ku ansixiyeen ee ka dhanka ahaa Shirkadda Caalamiga Dekeda ee Dubai (DP-World) kaga mamnuucay in Soomaaliya ay ka howlgasho.

Shirkadda P&O oo hoos tagga Shirkadda DP-World ayay Madaxda Puntland u dhiibeen maamulka Marsada Boosaaso, mana jiro war kasoo baxay Madaxda Maamulkaasi oo ay kaga hadlayaan.