Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya oo gaaray Puntland “Sawirro”

0

Waxaa Magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland Shalay Maqribnimadii gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha ee Garowe, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen madax Sar-dare oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Xubno ay ku jiraan, Wasiirka Qorsheynta Puntland, Wasiirka Amniga ee maamulkaas & Xildhibaanno ayaa kusoo dhoweeyay magaalada Garowe, halkaas oo aan weli la xaqiijin sababta uu safarkiisu ku qotomo.

Wasiir Jamaal ayaa Safarkiisii ugu horreeyay ku tegay Garowe tan iyo markii xilkaas loo magacaabay, wuxuuna ka mahad celiyay soo dhoweyntii loogu sameeyay Magaalada xarunta u ah Puntland.