Wax ka baro Anshaxa ololaha doorashada.

0

Campaign Ethics: Iyada oo anshaxu yahay mid qurux u ah shay walba oo nolosha ka mid ah haddana xilliyada ay jiraan ololayaasha doorashooyinka waxaa dhacda in dad badan oo murashixiin ah ay moodaan in wax walba ay u bannaanyihiin maadaama uu kursi u tartamayo.

Dhanka kale taageerayaasha ayaa iyaguna mooda in guushu tahay in la caayo murashixiinta kale ee aan ahayn kan ay taageersanyihiin, waxaa kale oo muhiim ka dhigaya in uu jiro anshaxa ololaha doorashada waxaa dhicikarta in dadkii wax dooran lahaa lagu khaldo wax aan jirin, sida in murashax uu yiraahdo iska daa biyo macaan e waxaan ballanqaadayaa in guri walba tuubbo caano lacag la’aan ah laga cabbo aan ku xiridoono!!!.

Xagga dhaqaalaaha loo isticmaalayo ololaha doorashooyinka laftoodu waxay u baahanyihiin anshax lagu ilaaliyo (Ethical subtext), iyada oo la raacayo tiirarka kharashka ololaha doorashada ee kala ah (Access, Integrity and freedom of choice) waa saddex xagal isu dheellitiraya kharshka ololaha, codeeyayaasha iyo natiijada ka dhalanaysa.

Haddaba soomaaliya ma u baahantahay mid federaal iyo mid dawlad goboleedba Guddiga anshaxa ololaha doorashad (Campaign Ethics Committee)?.