Wax ka ogoow Is Casuumidda UK ee Siyaasi C/C/Warsame iyo UAE oo Maalgalinaya.

0

Siyaaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo kulan is Casuumid ah markale ku qaban qaabinaya UK 7 Bishaan May kadib markii Kenya ka Joojisay Dhamaadka Bishii tagtay Kulan uu ku Sheegay in lagu soo dhawaynayo balse ahaa ujeedkiisu inuu Helo Masarax uu dad ku Casuumo oo uu ku weeraro Dowladda Somalia,

Siyaasiga oo Mucaarad ku ah Maammulka Farmaajo waxaa maalgalisa Dowladda Imaaraadka waxayna Lacago Farabadan ku bixin jirtay Doodihii Siyaasadeed ee Muqdisho ku qaban jiray, markii Muqdisho iyo Nairobi laga hor is taagay ayay markaan qarash kii ka badan ku bixinayaan Dalaal kale oo laga heli karo Somali badan sida UK, South Africa iyo Maraykanka.

Imaraadka oo Khilaaf Xoogan kala dhaxeeyo Dowladda Somalia ayaa doonaya inay burburinta Maamulka Farmaajo u adeegsato Siyaasiinta Danahooda ka waayay Xunka talada haya, Mr Warsame ayayna u aragtaa ninka ugu haboon ayadoo ka faaiiday sanaysa Dagaalka Xoogan ee Dhaxyaala asaga iyo Dowladda Somalia kadib Xarigii loo gaystay.

Siyaasiin badan ayaa u arka C/raxmaan C/Shakuur inuu lumiyay Kalsoonida Shacabka Somaliyed oo uusan wax badan ka badali karin Dowladda uu hugaamiyo Farmaajo,

Waxayna taas u sababeeyeen in Mucaaradnimada mr: Warsame ay noqotay mid uu la tagaan yahay meel kasta waxuuna dhaliilaa Talaaba kasta oo Dowladdu qaado asagoo u fiirinn Samaan iyo Xumaan asagoo inta badan Adeegsada Baraha Bulshada oo ku yeeshay Accouno caan ah balse uu ku lumiyay Kasloonidi Shacab fara badan.

Doorashadii Gudoomiyaha Aqalka hoose ayuu Fariimo u muuqday inuu Xildhibaaanada ka barayay inaysan Dooran Maxamed Mursal u soo marinayay Bartiisa Facebook waxaase layaab noqotay Kadib Guushii Mursal inuu Aflagaado iyo Caro kala dhul dhacay Xildhibaanada iyo Gudoomiyaha cusub asagoo ku Doodayay inay doorteen Musharax Xukuumaddu wadatay,

Dadka Falanqeeya Siyaasada Somalia qaar ayaa qaba inuu iska aamuso madaama ay Xili hore tahay ayna haboon tahay inuu meel ku qorto Qaladaadka uu arko si uu soo bandhigo Xiliga uu doonayo inuu Dalkaan Xil ka soo doonto waa hadii ay u suuragashee.

WQ: Ali Yare Abdiwahab Aden

Caliyareg@gmail.com