Waxa ka ogoow: Xalaadda Shaqaalihii dhisayay Darbiga kenya ee Xadka Somalia

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhismaha darbiga lagu sugayo amniga dalka Kenya ee laga wado xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Dhismaha oo inkabadan laba sano socda ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa inuu galay hakat, kadib markii ay mushaar la’aan soo food saartay shaqaalihii waday dhismaha.

Saraakiisha adeegga dhallinyarada Kenya ee NYS ee loo daad-gureeyey si ay u dhisaan Derbiga Ammaanka ee Xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia ayaa xaqiijiyay inaan shaqaalaha lasiin wax mushaar ah.

Saraakiisha adeegga ayaa dalbaday in la siiyo Mushaarkooda oo dhan 350 million oo Shillinka Kenya, maadaama dhismaha uu yahay mid heer gabagabo ah.

Saraakiisha adeegga, waxa ay intaa raaciyeen in ka badan 500 shaqaale oo ka soo jeeda Webiga ‘’Tana River’’ ay sheegteen inaysan wax mushaar ah helin muddo 18-bilood ah.

Dowlada Kenya ayey ugu baaqeen inay la imaado qorsho ka duwan kan ay iminka ku dooneyso inay kusii wado dhismaha darbiga maadaama aanu jirin wax xuquuqa oo ay bixiso.

Dowlada Kenya ayaa iska dhaga tireysa dhawaqa kaga imaanaaya shaqaalaha, hase ahaatee waxa uu arrinku u muuqanayaa mid sabab u noqon doono hakinta dhismaha.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Somalia ayaan weli ku qanacsaneen hanaanka ay Kenya u wado dhismaha Derbigaasi oo ay Dowladda Kenya sheegtay inay kaga hor tagayaan sidii loo joojin lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee u gudba Xuduudka Kenya, si ay Howlgallo uga fuliyaan.