Waxaa la soo gaaray xilligii ciidammada deriska ka bixi lahaayeen Soomaaliya! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

0

Sida muuqata shacabka Soomaaliyeed waxay dareemayaan in la joogo xilligii wax laga bedeli lahaa siyaasadda ku aaddan joogitaanka ciidammada Afrikaanka ee ku sugan Soomaaliya, waxaana jira dareen isa soo taraya oo ah in ciidammada Afrikaanka ah ay iyagu sabab u yihiin inuusan wadanka yeelan nidaam dowladeed oo xooggan ama dalka ka saari kara dhibaatada jirta, waxaan ugu daran joogitaanka baaxadda leh ee ciidammada dalalka deriska ah oo iyagu aad moodo intooda badan inay joogitaankooda iyo sababtii ay u yimaadeen ujeedooyin ka duwan inay ku shaqayniyaan, waxayna arrintaas abuurtay in madax kasta oo xilk qabata aysan si madax banaan waajibaadkeeda u gudan, waxaana taas ka sii daran cabsida iyo walaac baahsan ay dadka Soomaaliyeed ku hayso joogitaankooda, gaar xagga dhaqanka, iyo nolosha.

Waxaa sidoo kale jira qof kastana ogyahay in dalalka jaarka ah ay wax kasta ku saleeyeen siyaasad hal-beegeedu yahay in Soomaaliya ay ka dhisaan siyaasad nooc cusub ah oo ah in kolba qofka talada dalka hoggaaminaya ay cabsi gelin ku maamulaan ilaa layska caadaysto qaabka hadda dalku ku shaqeeyo oo dowladnimmadii iyo qarankii Soomaaliyeed uu sidaas ku baaba’o, oo si tartiib-tartiib ah ugu milma dalalka deriska ah, waana siyaasad jeexan oo la oran karo waxaa heshiis ku ah dalalka horumaray ee Soomaaliya danaha ka leh, iyadoo ay golaha loo dhanyahay ee Qarammada-Midoobay(QM) gaar ahaan Golaha Ammaankaaad moodayso in qorshaha noocaas ah ay wax ka ogyihiin oo ay rabaan in Soomaaliya la cuno iyadoo aan wax xanuun ah dareemin….laakiin waa iga weydiinee goormay dadka Soomaaliyeed noqdeen kuwo aan wax dareemin?!…

Waxyaabaha yaabka leh oo waliba lagu eedeyn karo xubnaha Golaha Ammaanka ee QM iyo guud ahaan golaha loo dhanyahay ee QM, isla markaasna uu shacabka Soomaaliyeed aad uga war hayo waxaa ka mid ah fara gelinta dowladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, iyo waliba caga-juglaynta ay joogtada ah ay kula kacayso madaxda iyo siyaasiyiinta xilalka ka haya Soomaaliya. SHacabka Soomaaliyeed way dareensanyihiin waxa dalka ka jira waliba si talaabo-talaabo ah ayeey ula socdaan waxayna hadda arrinta maraysaa heer ay ka shakiyaan dhammaan kaalmmada dalalka shisheeyaha ah ay sheegayaan inay siinayaan dadka Soomaaliyeed si ay mar kale lugahooda isu soo taagan oo ay mar kale dib ugu soo laabtaan kaalintii ay ku lahaayeen dunida….

Waxaa arrimaha inta badan hadda la hadal hayo ka mid ah in dhallintii iyo xooggii iyo ciidankii dalka ee ummadda si toos ah iyo si dadban loo laayay ama dalkii looga saaray, iyadoo lagu asteynayo magacyo badan oo ay ugu horeeyaan Burcad-Badeed, isla markaasna Burcad-Badeeddii runta ahayd ee boobaysa khayraadka badaha Soomaaliyana lagu ilaalinayo biyaha Soomaaliya gudahooda, QM iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeerana ay raali ka yihiin, Al-SHabaab ayaa iyadana loo adeegsadaya xasiloonida in loo diido dalka si dhallin yaradu loogu qasbo in dalka ay ka cararaan oo ay noqdaan qaar dalalka deriska tag-taagan, ama lagu laayo, sida Koonfur-Afrika, kuwo badaha ku le’da, kuwo xabsiyo aan la aqoon oo meel kasta oo dunida ka mid ah ku yaala ku xiran oo aan waliba intooda badan laga war hayn… dulaysi intaas la eg dadka Soomaaliyeed ma qaadi karaan, waan hubaal inaysan u dul qaadanayn.

KHayaannadii u horeysay iyo turunturooyinka ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku samaysay waxay ahayd markii ay cahdi ku-meel-gaar ah oo dhammaantiis ku salaysanRidu Gar Leh, Riyuhuna Gar Leh dalka ha lagu maamulo! Bal adigu ka waran dad dagaalay oo aan heshiin oo hadana la yiri qaynuun aan si cad loo qeexin ku dhaqma oo xeer ka dhigta, maalintaas baa colaad hor leh laynoo abuuray, oo waliba la jideeyay inaan la kala gar qaadan weligeedna aan ummaddu dib isugu soo noqon. Waxaan garanayaa markii laga doodayay qodobbada aan cadayn ama weydiimo qaynuun oo aan cahdi-ku-meel-gaarka ah ku qeexnayn waxaa ergooyinka shirka fadhiyay lagu qancinayay “…waa sahal adinka hadhow bedeli kara!..adinkaa sixi kara oo dood gelin kara!…waxyaabaha idinka maqan ka qaata dastuurkii 1960kii!…” bal lug-gooyadaas iyo khayaannadaas inta ay la egtahay fiiri! Dowlad dhan oo dhisan oo aan sharci lahayn ama aan la kala qeexin awoodda xafiisyada! Illaa iyo hadda dabintaas waa inoo taal, intii siyaasiyiin ahayd ee ina soo martayna waa ku wada dhaceen!….kaaga daranee haddii uu shacabku wax tar yahay!!….

Waxaana markii u horeysay soo if baxay markii SHariif Xasan SHiikhAadan oo loo doortay guddoomiyaha barlamanka Soomaaliyeed isla markiiba ay gacanta ku dhigeen qabqablayashii dagaalka Muqdisho ee dowlad diidka ahaa oo iayga u adeegsaday inay kula dagaalaan codkiisa iyo awooddiisa dowladdii ay hor kacayeen madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi, waxayna abuureen khilaaf joogta ah oo aan dhammaad lahayn oo markii dambe dhaqan iska noqday, khilaaf labadii murantaba marka qaynuunka la eego uu mid kasta sidiisa sax ku yahay. SHariif Xasan SHiikh Adan oo isagu dadka badankii u arkayeen inuu yahay nin khayaano badan ama sida mararka qaarkood dadka qaar ku sheegayeen ahaa nin caqli badan wuxuu garan waayay inuu ku ekaado doorkiisa af-hayeenimo

Runtii inta aan xasuusnnahay SHariif Xasan tiro dhowr jeer ah baa isagoo gar-daran hadana Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi isku dayeen inay af-gartaan, oo waliba xoolo lagu bixiyay, Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi oo lagu xamanayay inay Itoobiyaanka aad isugu dhowyihiin hadana ma jirin kalsoon mug weyn oo ka dhexeysay. Waxaase iyadana macquul ahayd sida xogta sheegaysay in Itoobiya adeegsatay SHariif Xasan SHiikh Aadan in ka badan qabqablayaashii Muqdisho, waxaana warar qaar sheegayeen in dowladda Djibouti nafteeda ay qayb ku lahayd cadaadiska SHariif Xasan SHiikh Aadan si uu uga hor yimaado dowladdii uu af-hayeenka u ahaa. Waxaa iyadana intaas oo dhan ka horeeyay in markii la doortay Cabdullaahi Yuusuf muddo gaaban ka dib ay safaaradda Maraykanka marti qaaday xubno dowladda ka mid ahaa oo uu hor-kacayay af-hayeenka barlamanka SHariif Xasan SHiikh Adan oo dhammaantood si adag uga soo hor-jeestay madax-weyne Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Geeddi, waxaana ka mid ahaa Max’ud Cabdullaahi Jaamac Sifir, Cusmaan-Caato, Qan-Yare iyo dhowr xubnood oo kale, waxaana xusid mudan in SHariif Xasan SHiikh Adan looga digay inay sharci daro tahay inuu kulankaas ka qayb galo laakiin uu iska dhego tiray, waxaana jirtay in xubno waziirrada ka mid ahaa ay ka cudur daarteen inay ka qayb galaan markii ay ogaadeen in safaaraddu door bidayso inay la shaqayso qab-qablayaasha intii ay dowladda la shaqayn lahayd.

Tuhunkii u horeeyay wuxuu bilowday markii 2008dii ay dowladda Itoobiya culays ku saaratay inuu is casilo madax-weynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waliba wararkii maalmahaas soo baxay qaarkood ay sheegayeen inay ugu hanjabeen inay dilayaan, sidaasoo kalana fara gelin weyn ku sameeyeen barlamankii xilligaas joogay ee uu Adan Max’ed Nuur (Adan-Madoobe ) gudoomiyaha ka ahaa, isla markaasna uu barlamanka go’aan ka qaadan waayay khilaafkii taagnaa iyadoo saraakiishii Itoobiyaanka ahaana ay si toos ah arrinta u maamuleen. Waxaa iyagana si gar-darro ah oo aan waafaqsanayn qawaaniinta dowliga ah ula saftay ra’iisal wazaarihii xilligaas Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde)si ay meesha uga saaran Cabdullaahi Yuusuf oo iyagana dhinacooda arrinta si xoog leh uga waday, dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, iyo guud ahaan kuwa Afrikaanka ah oo malaha iyagu ku qancay in askarta faraha badan ee dalalkooda joogta shaqo looga abuurayo Soomaaliya, waxaa isagana dhiniciisa aad u xusul duubay oo arrinta Itoobiya la waday wakiilkii QM ee xiliigaas Axmed Walad Cabdallah oo ahaa nin lagu sheegay inuu ahaa nin musuqmaasuq iyo wax is daba marin badan, hasa ahaatee shacabka Soomaaliyeed oo aad ugu soo daalay dagaalladii sokeeye waxa dhacaya iyagoo u jeeda haddana waxay rajo ka qabeen in dalalka soo gurmaday ay xaaladooda nabadda iyo ammaanka wax ka bedeli doonaan ayna mudanyihiin in wali waqti la siiyo….

Mid shacabka Soomaaliyeed baa eeddeeda qaaday, dalkii nimanka aan u haysano inay madaxda u yihiin waa la haystayaal, sidaas daraadeed inay xudduudahooda ilaashadaan oo arrinyu noqoto qaylo gar dhoweysay oo dalka laga joojiyo dadkaan iska soo yaacaya siiba Itoobiyaanka sida xad la’aanta ah isaga socda ee meel walba buuxiyay, shacabku waa inay xudduudaha ku hor joogsadaan, waa inay ka hadlaan, dowladaha iyo waxa beesha caalmaka loogu yeero waa inay u arkaan sida ay ula dhaqmayaan oo ah inay lug iyo lababa gooyaan, waa inay fahmaan siyaasadda ku socota inay tahay in loo dowladeeyo bur-cad iyo tuugana laga adeejiyo….mana aha shacabku inuu yeelo in sharci loogu soo gabbado iyadoo isla markaas sharcigii lagu tumanayo…. Bal fiiri QM waxay sharci inooga dhigeen oo waliba innagu dhaqayaan in kaluumaystadeenii masaakiinta ahayd ay ka xaaraantimeeyeen kaluumaysigii, iyagoo sharci ka dhigay in kuwa khayraadka badaheenna boobaya na lagu ilaaliyo!….

Soomaaliya waxay u baahantahay sida badanaaba aan ku naqaan xeerarka caalamiga ah inaan dalalka ay tuhmayso ammaankeeda iyo arrimaha gudaheeda loo gacan gelin, waxay u baahantahay in ciidammada AMISOM lagu bedelo ciidamo kale oo ah waddammada carabta ama Islaamka ah laga keenay, haddii aan la yeelayn in lagu bedelo ciidamo  QM oo aysan ku jirin dalalka jaarka ah laakiin isku dhaf ah oo waliba u badan dalalka dhaqan ahaan ay isu dhow-dhowyihiin Soomaalida, wixii intaas ka duwan waxay horseedayaan in dhibaatada ay sii socoto xalkana fogaado….uma malayniyo arrimaha sida ay hadda yihiin inay ku sii socon karaan mana arrin quman ama haboon in maalin kastana qandaraas Golaha Ammaanka uu ku bixiyo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed, waxaan tuhmeeyaan inaan arrimaha Soomaaliya si daacad loo wajihin, marka si qoto loo aad diirradda u saarto joogitaan ciidmmada dalalka deriska ahna waxaad arkaysaa in si xawlli qorshe aan afka laga sheegayn dadka Soomaaliyeed lagu fuliyay iyadoo aan xataa lagu tix gelin in wax talo ah la weydiiyo, hasa yeeshee aamusnaan iyo qaabka dhoohnaanta u e gee shacabka waxaa ka daran siyaasi kasta inuu ku faraxsanyahay inuu siyaasi yahay, waxaad moodaa siyaasiyiinteena burjuwaaziyiin dal aysan lahayn dal-xiis u yimid!….si u faraxsanyihiin, say u dheregsanyihiin, iyo sidaysan uga naxayn dadka iyo dalka!..

Waxaa jirta in dalal badan ay ka dhaceen dagaalo la mid ah nooca dadka Soomaaliyeed aafeeyay oo kale ah, waana la badbaadiyay iyadoo aan aan khayraadkooda la xadin ama aan la boobin, iyadoo aan qaranimmadooda lagu xad gudbin, iyadoo la ilaalinayo xudduudahooda isla markaasna dhaqaale iyo loogu daray waliba inla heshiisiiyo xoolana lagu bixiyay sidii ay u heshiin lahaayeen, laakiin waxa keliya oo aan uga duwannahay waa inaan Islaam nahay iyagana …..cadowgeenna iyo saaxiibkeena waxaa inoo cadaatay in cadowgeenu ka badanyahay saaxiibkeen xataa marka lagu daro dalalka Islaamka ah ama kuwa carabta ah…..waxaa innagu dhacay “ii sar anigaa saafiyee!” ama sida dadka qaarkii yiraahdaan “ii sar anigaa fiiqiyee” waaba layna saafay oo layna fiiqday! Hadaadse shacab u leedahay maxaa kaa dhici lahaa?! Markaasaa kaaga daranee Xasan SHiikh, Max’ed Cusmaan Jawaari, Cumar Cabdi-Rashiid, Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, SHariif Xasan SHiikh Adan, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, waxaaba kaaga daran siday isugu egyihiin, haddii un mid roonaan lahaa, ama mid in yar dadka iyo dalka Alle dartii ugu danqanayo uu ku jiri lahaa….

Qarammada Midoobay, waa ay garan kartaa dhibaatada iyo culayska ay dareemayaan dadka Soomaaliyeed, waxayna xaq u leeyihiin maadaama ay yihiin ka xubin ka ah Qarammada Midoobay in eed sheegashadooda la tix geliyo, in xudduudaha iyo qaranimmada dalkooda aan lagu xad gudbin, in dadka shisheeyaha ah ee sida qaynuun darrada ah ku soo galay dalka si nabad ah uga baxaan, in la siiyo xuquuq kasta oo uu leeyahay dal xor ah oo ay dumiyeen colaado dhexdiisa ah oo ay ugu horeyso inaan qaranimmadiisa meel looga dhicin….waxaa jira sal-dhigyo qarsoon oo ciidamo shisheeye dalka ka samaysteen, waxaa jira heshiisyo aan qaynuun ahayn oo ka soo hor jeeda dastuurka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay dowladaha qaarkood si qarsoodi ah ula galeen madaxda qaarkood iyagoo waliba og inay qaynuun khalad tahay….waxaas oo dhan berry sharci noqon maayaan, dadka Soomaaliyeedna waxay xaq uleeyihiin inay diidaan….Shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol buu doonayaa, ciidammada dalalka deriska in dalkooda ay ka baxaan buu doonayaa, dib-u heshiisiin buu doonayaa, deris wanaag buu doonayaa…. Guumeysina Yeeli Maayo.

___Dhammaad___

W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here