Waxqabadka Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubblanad

0

Guddigga Gurmadka abaaraha Jubblanad ayaa tan iyo markii ay abaarta ku dhuftay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay maamulaan waxay qabteen waxyaabo badan oo taariikhi ah oo ay ugu gargaarayeen dadka masaakiinta ah.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubblanad ayaa gargaar Bini’aadanimo oo isugu jiro raashin, biyo, Maco iyo daawo gaarsiiyey dadka kusoo barakacay dhammaan deegaanada uu maamulkaas ka arrimiyo.

Waxay sidoo kale qeylo dhaan u direyn dhammaan hey’adaha samalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya si loo garab istaago dadka ay saameysay abaarta.

Guddiga Gurmadka ayaa booqasho ku tagay deegaan badan oo ay ku yaalaan xeryo loo sameeyey dadka soo barakacay, waxaana muuqato inaysan jirin wax ay ka hagradeen dadkooda abaarta saameysay.

Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe ayaa guddiga gurmadka abaaraha kula dardaarmay inay si wanaagsan oo daacad ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda qaran isla markaasna ay gargaarka loo soo marsiiyo dadkooda si Alle dartiis ah u gaarsiiyeen dadka loogu talagalay.

Guddiga oo fulinayo amarka iyo dardaaranka Madaxweynaha ayaa waajibkooda u gutay si nadiif ah, inkastoo aan weli la dhameystirin baahiyada ay qabaan dadka kusoo barakacay deegaanadaas.