Weerarrada Bisha Janaayo lagu qaaday Ciidamada Kenya ee Somalia Jooga, Imisaa laga dilay 2-dii Sano ee tagtay?

0

Al-Shabab ayaa weeraray fariisimo ay leeyihiin ciidamada Kenya marka loo fiiriyo Bisha Janaayo mar kasta oo ka mid ah Labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana Weerarradaas lagu gaarsiiyay Khasaarihii ugu xoogganaa.

Weerarrada lagu qaaday Fariisimaha Ciidanka Kenya waxaa ugu darnaa midkii lagu qaaday CEEL-CADDE kaasoo lagu dilay in ku dhow 150 Askari, sidoo kalena lagu qafaashay tiro kale, wuxuuna ahaa weerarkii ugu Khasaaraha badnaa ee Askar looga dilo ciidanka AMISOM weliba hal meel.

Sidoo kale waxaa ay Shabaab weerar Khasaare xooggan geystay isla Bisha Janaayo Snaadkii 2017 weerar ku qaadeen Fariisinta ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow halkaas oo iyana looga dilay inta ay iyaguba xaqiijiyeen 70 Askar iyo Saraakiil ah hub iyo gaadiidna looga qabsaday.

Weerarrada Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamada dowladda Kenya waxaa ugu Khasaare badnaa kuwa dhaca Bisha Janaayo, Labadii sano ee lasoo dhaafay, Xogdoonnews oo kaashaneysa Ilo Wareedyo ayaa sidaas Warineysa.

Sidaan ayey u kala dhaceen weerarrada:-

Jan 15, 2016: El-Adde, waxaa lagu dilay in ka badan140

Jan 27, 2017: Kulbiyow, waxaa lagu dilay tiro kor u dhaafeysa 67

Jan 2018? Waa sanadka aan hadda ku jirno Bishiisii Janaayo, ma dhici doonaa Weerar loo geysto Fariisimahooda?

KDF waxay Fariisimo ku leeyihiin Jubbada hoose iyo Gedo, waana Labada Gobol ee ay ka dhaceen Weerarrada aan idiin sheegnay, halkaas Kenya waxay ciidankeedu ka hayaan howlgal qeyb ka ah AMISOM.

Image result for el adde attack photos

Fariisamaha ay Ciidanka Kenya ku leeyihiin Soomaaliya waxaa ka mid ah:-

Kismayo

Burgabo

Hosingow

Kudhaa

Raskamboni

Kulbiyow

Busar

Fafahdhun

Beled Hawo

Haddii aad Jecleysatay Xogtaan ka xigo Xogdoonnews intaad Xadi laheyd.