William Rutto “Qaxootiga Soomaalida Dhib ayaan ku qabnaa”

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto oo wariyaal kula hadlay magaalada New York ayaa sheegay in dunnidu hadda la fahamtay dhibaatada ay ku qabaan qaxootiga Soomaalida u badan ee Kenya ku nool.

Rutto waxaa uu sheegay in dalka Kenya uu ka mid yahay 19 wadan oo ay ku noolyihiin qaxootiga ugu faraha badan waxaana uu sheegay inay dhibaato badan ku qabaan qaxootigaaas sida uu yiri.

“Aad baan u dhibaato qabnaa qaxootiga dalkeena degen ee Soomaalidu  ka mid tahay haddana dunnidu waaa nala aragtay oo nala dareentay” ayuu yiri William Rutto oo M/weyne ku xigeen ka ah dalka Kenya.

Dawladaha saaxiibka la ah dalkiisa ayuu sheegay inay hadda la wadaagayaan wax ka qabashada iyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya buu yiri inay dalkooda kusoo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here