Xaaladda Dhaawacyadii Soomaaliyeed ee loo qaaday Sudan oo laga deyrinayo “Dhageyso”

0

Xaaladda dadkii ku dhaawacmay Qarax bil ka hor ka dhacay Muqdisho ee caafimaad loogu qaaday dalka Sudan ayaa laga deyrinayaa, iyadoo dadkaas qaarkood ay xaaladdoodu isu beddeshay Naafo.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka ayaa sheegay in Ardayda iyo dadka Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ay soo sheegayaan in xaaladda dadkii halkaas la geeyay ay tahay mid aad u liidata.

Dadkaas ayuu sheegay Cabdullaahi Maxamed Shirwac in xataa aysan heysan, Ijaarka halka ay degganyihiin, Cuntada Qarashkii ay isaga Bixin lahaayeen iyo sidoo kale Baahiyo aan lasoo koobi Karin oo ay qabaan.

Baraha Bulshada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa lagu soo bandhigayay xaaladda liidata ee ay ku jiraan dadka dhaawacyada ah ee loo qaaday dalka Sudan, wuxuuna ka codsaday Mr: Shirwac Ra’iisul Wasaare Kheyre in xukuumaddiisu ay wax badan ka qabato xaaladda dadkaas ee aadka u liidata.