Xaalka Ethiopia iyo hanjabaadii Abiy Ahmed

0

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed oo ka hadlaaya isku dhici xalay Addis Ababa ka dhacay iyo khilaafka qarsoon Ee u dhaxeeya oromada iyo amxaarada
Ayaa maanta wuxuu sheegey arimo badan
Wuxuu yidhi sida tan

“Cidwalba calankeeda way isticmaali karta kuwa iskudayaya in ay xisbiyada astaantooda carqaladeeyaana way ila qaldanyihiin calanka xisbi walba wax wayn maaha Waa uun astaanta xisbiga wax muujinaaya waana wax ay xaq uleyihiin xisbiyadu (wuxu ula jeeda calanka oromada Ee shalay amxaaradu diidanayd)

“Waxaan ku baaqnay in cidkaste gudaha kuso noqoto si nabad ahna xaqooda ku raadsato
Lkn gudaha in lagusoo noqdo oo bulshada colaadi lagasoo gudbay dib loogu celiyo ma aha wax aan ogolaanayno
(Wux ula jeeda Amxaardu haday jabhadoodu soo noqotay kama dhigna in laga ogolaanaayo fawdo iyo kicinta shacabka)

“Haday colaad bilaabanto cidna ma guulaysanyso
Maalinba midba laga guulaysan taas waxay keeni uun in aan dhamaanteen guul daraysano (wuxu ula jeeda hadu dagaal Amxarada iyo oromada ka dhex qarxo
Amxaro ku guulaysan mayso sidi hore Ee Waa la isla wada burburi)

“Dadka qaar markay soo noqdeen waxay ku khudbeeyaa waan guulaysanay anaga guulaysanay waxay isku muujiyaan in ay iyaga uun guul gaadheen. Anagu isbadalka dhayal kuma keenin waxbadan oo aan hurnay ayaan ku keeney
Shacabka oo aan kaashanay ayaan isbadalkan ku keeney
Waana mid guul u ah Ethiopia oo dhan waayo shacab ay dhib haysan ma jirin ninwalba dhib way haysey
Kuwa soo noqdey Ee waan guulaysanay leh waa run way guulaysteen dhan marka lagafiiriyo Lkn guushu maaha gawaadhi la jajabiyo bulsho la kiciyo
Taasi mustaqbalka fog guul idiinma keenayso.
(Wuxuu ula jeeda isbadalkan Oromada usoo dhimatay Iyadi in Dhib loola yimaado xaq maaha
Jabhada amxarada imaashaheedu kamashigna in ay oromo ka guulaysteen Ee imaashahoodu Waa guul ku eg in ay shacabkooda uun dhex yimaadeen
Mid meel fog gaadhsiisan maaha

“Hadi larabo sida soomaliya iyo sudaanta konfureed in Ethiopia laga dhigo Waa ok albaabku u furanyahay Lkn taasi waxay noqon doonta uun calays dawladaha mandiqada kusoo kordha
(Wuxu ula jeeda hadaad xilka nagu qabsataan idinkuna ma hananaysaan Ee meesha Waa lagu kala yaaci