AUN Maama Xaawo Cabdi in deegaan dhan loogu magac daray kasokow, waxa ay ka mid aheyd dadka fara ku tiriska ah ee maalgashaday shacabka. Waxa ay dhinaca kale door lama ilaawaan ah oo firfircoon ka qaadatay nabad ku soo dabaalidda Soomaliya.
Waxa ay inta badan waqtigeeda ku lumisay u gargaaridda shacabka gaar ahaan kuwa taagta daran ee dhibaateysan. Waxa ay hoy (deegaan) siisay kumannaan ka mid ah dadkii ka qaxay Muqdisho horraantii 2007 oo aan anigu ka mid ahaa, kuwaas oo ay dhibaato jireed iyo mid maskaxeed ka soo gaartay duqeyntii aan loo aaba yeeleyn ee ciidanka Itoobiya.
Laba jeer ayaan wareysi ugu tegey hoygeeda AUN Dr. Xaawa Cabdi.. mar waxa ay la tacaaleysey in badan oo ka mid ah haween Soomaliyeed oo dhiig-baxaya, marna waxa ay maxbuus u aheyd ururkii Xisbul Islaam ee uu madaxda ka ahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Wareysiga koowaad, waxa naloo diidey in aan duubano qeyb ka mid ah cusbataalka oo lagula tacaalo caruurta iyo haweenka tabaaleysan yacyi fuuq baxay oo ay nafaqa daridu dilootey.. waxa loo sheegay marxuumadda in hey’adda gacanta ku heysa qeybtaas (MSF SPAIN) aaney ogoleyn in wariyeyaasha lala hadlo ama ay muuqaal duubtaan ilaa amar laga helo Neyroobi oo ay hey’adda madaxdeedu joogaan..
Dr. Xaawa Janadii Alaha ka waraabiyee, oo aan markii hore ogolaanshaheeda meesha ku tagnay, waa ay noo timid… waxa ayna nagu tiri “duubta waa amarkeyga” waxa ayna intaa ku dartay mar aan weydiiyey in ay dhibaato ka timaado. “Beri haddii ay rabaan ha baxeen, cidna ka yeeli maayo haka warbixin caruur shubmeysa oo dhibaateysan iyo haween Soomaaliyeed oo nafaqadaro la il daran”.
Wareysiga labaad waxa uu ahaa mid aan inta badan u sii deyn waayey sababo la xiriira ammaankeeda laakiin ay iyadu raali ka aheyd in aan sii daayo.. waxa ay cambaareyn kala dul dhacday Ururkii ay u xirneyd gaar ahaan Xasan Daahir Aweys oo ay sheegtay in aaney isaga iyo ururkiisu soo kordhin wax aan dil iyo barakac aheyn.. waxa ay ii sheegaty in ay iyada iyo Xasan Daahir is hor fariisteen ayna u sheegtay in ay dadka dilka ka daayaan… waxa ay wareysigeeda marxuumaddu iigu sheegtay in la joojiyey howshii baaxadda laheyd ee uu cusbataalku u hayey bulshada, lana bililiqeystay xarunteeda ayna magdhaw weydiisatey wadaadka.
Waxa ay ii sheegtay in wadaadku ka xanaaqay mag-dhawga ay weydiisatey, waxa uuna taas bedelkeeda ku yiri marxuumadda “maxkamad ayaan ku kala baxeynaa”, waxa ayna ku jawaabtey maamadu “maxkamadda aan ku kala baxeyno xaggee ku taalaa?? maadaama aanan taada aqoonsaneyn”!!!!!!!
Waxaa xasuustaas I geliyey booqasho lama filaan ah oo aan xili habeen ah ku tegey cusbatalka Dr. Xaawo Cabdi, waxaa igu soo dhoweysey gabadheeda Dr. Aamina Aadan oo hadda cusbataalka madax ka ah.. Aamina iyo jaalkeeda waxa aan uga fadhinaa adeegii naf-huridnimada ahaa ee AUN Maama Xaawa Cabdi Dhiblaawe…
WQ. Cabdinaasir Iidle.