Xaflad lagu dhiirigelinayey labo Qoraa oo da’yar oo Muqdsiho ka dhacday.

0

Xaflad si wayn loo soo agaasimey oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho oo  lagu dhiiri gelinayey laba qoraa oo aad u da’yar oo Buugaagtoodii ku soo bandhigay Book Fair-kii Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Moqdisho, waxaana Munaasabadda soo agaasimey Ururka Somali Puplic Admistration and Management Forum (SPAMF).

Ugu horayn waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah Madaxda Ururka Somali Puplic Admistration and Management Forum (SPAMF) oo sheegay iney tahay dhiiri gelin ay u samaynayaan Qorayaasha da’da yar waxayna dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqeen kuna tirtirsiiyeen iney ku daydaan labada Qoraa ee da’da yare e Munaasabada loo sameeyey kuwaas oo kala ah Bahja Cali Maxamuud iyo Faarax Maxamed Xiirane.

Gebagebadii waxaa madasha ka hadlay labada Qoraa ee da’da yar Bahja Cali Maxamuud oo wadatey Buugeeda Ku dhaqaad Isbedel  iyo Faarax Maxamed Xiirane oo la soo shir tegey Buugiisiii U hiili Ubadkaaga. Waxay ka hadleen waxyaabjhii ku xanbaaray ama ku khasbay iney qoraan laba Buug oo qiima leh iyagoo weliba ahaa labadii qoraa ee ugu da’da yaraa Qoraayaashii Soomaaliyeed oo Book Fair-kii Muqdisho ku soo bandhigay Buugaagtoodii.

Waxay sheegeen iney dhibaatooyin badan kala kulmeen intii ay ku guda jireen qoraalka Buugaagtooda iyagoo intaa ku daray iney Aakhirkii ku guulaysteen qoraalka Buugaagtooda waxayna u mahad celiyeen Madaxda Ururka Somali Puplic Admistration and Management Forum (SPAMF) oo dhiiri gelin u sameyey iyo Agaasimayaashii Book Fair-kii Muqdisho oo ay ku soo bandhigeen Buugaagtoodii qiimaha lahaa ee KU DHAQAAQ IS BEDEL IYO U HIILI UBADKAAGA.

14151977_973292072799832_794714341_o 14152167_973292159466490_1639208523_o 14152250_973292126133160_924924029_o (1) 14152250_973292126133160_924924029_o 14163573_973292076133165_1795248453_o 14164104_973291929466513_1413923110_o 14215259_973292212799818_833888924_o (1) 14215259_973292212799818_833888924_o

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here