Xal ka gaarista muranka Doorashada & Doorka Bulshada Rayidka!

0

Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay Isu dayo kala duwan oo xal looga gaarayo muranka cuuryaamiyay Doorashada 20/21 ee ka dhashay Guddiga kala dhiman oo cabasho laga soo gudbiyay shaqsiyaadka qaar ku jira.

Diidmada ayaa timid kamid markii Musharixiinta Madaxweynaha ay sheegeen in xubnaha Guddiga ka yimid Saddexda Dowlad Goboleed lagu daray howlwadeenno katirsan Madaxtooyada & hay’adda Sirdoonka qaranka ee NISA.

Xukuumadda Soomaaliya oo iska indha-tiraysa cabashadaas ayaa xareysay Guddiga kala dhiman ee Metalaya DG Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Galmudug & xubnaha Somaliland oo ay magacawday Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo 11-kii December 2020 tagay Garoowe ayaa maalmo uu wada-xaajood siyaasadeed uu la lahaa Madaxweyne Deni & ku xigeenkiisa ayaa ku guul-dareystay in uu lasoo laabto liiska Guddiga Doorashada ku Metalaya DG Puntland.

Xubnaha Guddiga kala dhiman ayaa xareysan, qaarkood waxa ay Mustaqbal u sheegeen in aysan helin macluumaad dhaafsiisan in lagu wargelinayo marka ay howsho bilaabaneyso, waxaana dhaq-dhaqaaq siyaasad wada xubnaha Guddigooda si ay isaga tiraan shabadda ku dhegtay ee ah in ay ku laban yihiin Shaqaale Madaxtooyo & Nabadsugidda.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa ku howlan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada ku kala tagay Hab maamulka Loo marayo Doorashada, maadaama 4-tii sano mar dalka ay ka dhacdo Doorasho.

Laanta Xeer dejinta (Baarlamaanka Soomaaliya) oo cuksanaya qodobo dastuuri ah & xeerar ay dejisay Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Guddoonkooda si cad u sheegay in shaqadoodu ay sii wadanayaan ilaa xildhibaannada ugu dambeeyo laga dhaarinayo.

Haddaba, Bulshada Rayidka maku guuleysan kartaa xal ka gaarista muranka hareeyay Doorashada Dalka & isu soo dhaweynta DFS iyo Musharixiinta?

Mustaqbal.