Xaliimo Yareey oo Si Qoto dheer uga Hadashay Doorashadii Maanta Jawaari

0

Guddiga Madaxa Banana ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku ammaanay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya sida wanaagsan ee maanta ay u dhacday Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaano Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la hadashay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay marka la eego qaabta ay maanta u dhacday Doorashada inay tahay mid wanaagsan, waxayna hanbalyo u dirtay Guddoomiyaha la doortay ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xaliimo Yarey ayaa sheegay inuu haatan muuqdo isbadal weyn, waxayna tilmaantay inay rajaynayso in doorashada Madaxweyneynahana ay sida maanta oo kale ay u dhacdo.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyadoo xilkaasi ay ku tartamayeen ilaa iyo Afar Musharax, markii danbana uu ku guuleystay Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari.

Berri oo Khamiis ah ayaa waxaa la dooran doonaa Gudoomiye kuxigeena Koowaad iyo Labaad, iyadoo labadaasi xil ay u taaganyihiin xildhibaano gaaraya 16-mudane.

XIGASHO-WAKAALADA SONNA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here