Xaliimo Yarey oo Goordhow laga sii daayay Xabsi ay xalay ku hoyatay

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa goordhow laga sii daayay xabsi guri ay ku aheyd Dhuusamareeb oo Shalay ay ku xireen ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlu-sunna.

Xaliimo Yarey, Ilaaladeeda, Darawalkii Gaariga u waday iyo dad kale oo ay lasoo xiray Shalay ayaa dhammaantood lasii daayay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Dhuusamareeb.

Weli wax war ah kama aysan sheegin sababta xariggeeda, balse waxay dadka la socday sheegeen in ahdda ay Xabsi Gurigii ka baxeen.

Isniinta ayaa lagu wadaa in ay ka baxdo Dhuusamareeb, iyadoo gaari doonta guud ahaan Gobollada Mudug iyo kuwa Puntland.

Warar kale ayaa sheegaya in Ahlu-sunna ay weli Xabsiga ku heyso 5 Haween ah oo ay Habeen ka hor ka qabteen Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee Xariggooda.