Xaqiiqooyinka Dastuurka Cusub Ee Galmudug Qeybta 3-Aad

0

Cutubka Labaad.

Xuquuqda iyo Xorriyaadka Aasaasiga ah.

Qodobka 10aad.

Dhaqangelinta Qawaaniinta Caalamiga ah.

DGGM waxay dhowreysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka caalamiga ah ee guud ahaan la aqoonsanyahay iyo Qodobada Cutubka Labaad ee Dastuurka JFS uu ku xusayo xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah DGGM, waxa ay dhaqangalin siineysaa Xeerarka iyo axdiyada caalamiga ee Baarlamaanka Soomaaliyana meelmariyay.

Qodobka 11aad.

Xaqa Nolosha.

1) Nafta aadanuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi ay ciqaabtiisu tahay dil.

2) Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

Qodobka 12aad.

Xaqa Xoriyadda iyo Nabad-galinta.

1) Qofkastaa waa xor, waxa uuna xaq u leeyahay madaxbannaanida xorriyaddiisa shaqsiga ah, qofna lama adoonsan karo, lamana lahaan karo, lagumana shaqeysan karo si Xeerarka aan waafaqsanayn.

2) Qofkastaa waxa uu xaq u leeyahay xoriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabad-galyada qofnimadiisa.

3) Qofkastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu helo amni uu ku noolaado iyo nabadgalinta qofnimadiisa iyo kaamil-ahaanshaha jirkiisa, waxaana reeban jirdil iyo ciqaab xaasidnimo.

4) Barnaamijyada lagu ciribtirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah sida gudniinka Fircooniga ee gabdhaha waa waajib saran maamulka DGGM.

5) Soo tuuridda ilmaha uurka ku jira waa ay reebantahay, marka laga reebo xaalad caafimaad oo uu xaqiijiyay dhaqtar takhasus u leh laguna badbaadinayo nolosha hooyada. Qodobka 13aad.

Xurmada Hoyga.

1) Qofkastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu helo hoy u gaar ah iyo xurmada hoygiisa.

2) Qofna hoygiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah laguma xadgudbi karo, lamana baari karo, haddii aan amar cad oo sababaysan laga wadan maxkamadda awooda u leh soo saaridda amarka ee heer DGGM ama heer JFS. Waxaase intaas ka baxsan haddii ay ciidamada amniga u sugnaato inaan laga fursan karin in si deg-deg ah loo galo hoy si looga hortago khatar culus oo ku soo wajahan bulshada.

3) Waxaa waajib ah in amarka Maxkamadda si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga.
4) Qofkastaa waxa uu xaq u leeyahay arimihiisa gaarka u ah in aan lagu faragalin wixii aan ka horimaaneyn Shareecada Islaamka, xeerarka dalka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Qodobka 14aad.

Xaqa Sinnaanta iyo Caddaaladda

1) Muwaadiniinta DGGM waa ay simanyihiin iyadoon loo eegin jinsi (lab iyo dhedig), isir, abtirsiimo, midab, luuqad, muuqaal, fikir siyaasad iyo xaalad gaara oo qof ama bulsho ku sugantahay si waafaqsan Shareecada Islaamka.

2) Shacabka DGGM, waa shacab siman, si simanna ugu wada noolaanaya dhulka iyo nidaamka DGGM, uguna faa’iideeysanaya kheyraadka dhulka si siman oo waafaqsan Xeerarka DGGM iyo JFS.

3) Shacabka DGGM waxay xaq u leeyihiin inay helaan cadaalad ay u siman yihiin, garsoor caadil ah.

4) Shisheeyaha DGGM ku jooga si waafaqsan Xeerarka dalka waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad la siman tan muwaadiniinta marka laga reebo xuquuqda siyaasadda ee muwaadiniinta u gaarka ah.

5) Waa fal takoorid ah haddii natiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn.

6) Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada Xukuumadda sida Xeerar, hab siyaasadeed iyo hab maamul ee loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama ku sugan xaalad dib-u-dhacsan.

7) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aammada ka soo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan Xeer, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddaalad ah.

Qodobka 15aad.

Xaqa Waxbarashada.

1) Muwaadiniinta DGGM waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho tayo leh ayadoo dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ay lacag la’aan yihiin taas oo mar walba ku xiran heerka awoodda maamulka.

2) DGGM waxuu mudnaan gaar ah siinayaa horumarinta, ballaarinta iyo faafinta tacliinta iyo cilmi-baarista, hal-abuurka iyo farshaxanka, ciyaaraha hiddaha & dhaqanka suuban, iyo isboortiga ee dadka deggan DGGM.

3) Waxbarashadu waa inay noqoto mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada.

4) Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka carruurta dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

5) Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha si waafaqsan manhaj mideysan oo ay leedahay DGGM, saldhiggiisuna yahay Madhabta Shaaficiyada (Ashcariya).

6) Ciribtirka akhris-qoris la’aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib saaran maamulka DGGM.

7) DGGM waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka DGGM, iyadoo ku dadaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.

8) Waxaa ka reeban in lagu dhigo ama lagu faafiyo dugsiyada waxbarashada fikirka argagixisada oo ku saleysan qeybinta towxiidka IWM. 9) DGGM waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee DGGM, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.

Qodobka 16aad.

Xaqa Shaqada.

1) Qof kastaa waxuu xaq u leeyahay in uu shaqeeyo iyo mushaar u dhigma, islamarkaana wax u dhimeynin sharaftiisa.

2) Qof kasta oo shaqaale ah waxa uu xaq u leeyahay in uu sameeyo, kuna biiro urur shaqaale kana qaybgalo hawlaha ururkaas.

3) Qof kasta oo shaqaale ah waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo ama ka qeyb qaato banaanbax si nabad ah.

4) Qof kasta oo shaqaale ah wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo shaqo-joojin.

5) Urur shaqaale, ama loo-shaqeeyayaasha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortanwadareed ee ku saabsan arrimaha shaqada.

6) Dhammaan shaqaalaha, gaar ahaan haweenku waxa ay yeelanayaan xuquuq gaar ah oo lagu dhowrayo sharaftooda si aan loogu sameyn ku xadgudub jinsiyadeed gudashada waajibaadkooda shaqo.

7) Waxaa reebban falkasta oo shaqo joojin qorshaysan ah, laguna cuuryaaminayo dhaqaalaha DGGM, keeni karana rabshado siyaasadeed.

8) Xaqa shaqo joojinta waxaa loo adeegsan kara sida u xadiday xeerka shaqada iyo shaqaalaha.

9) Lama Shaqaaleyn karo qof burcad-badeed ah ama argagixisa ah ama aaminsan fikirka argagixisada iyo mid la soo shaqeeyay.

10) DGGM waxa ay soo saareysaa Xeerka shaqada iyo shaqaalaha, kaasoo aan ka horimaaneynin Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo Xeerka shaqada iyo shaqaalaha JFS.

Qodobka 17aad.

Xaqa Caafimaadka.

1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay biyo nadiif ah uu cabo. 2) Muwaadiniinta DGGM waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh iyo in loo fidiyo adeeg caafimaad xilliyada xaaladaha deg-dega ah iyo adeeg caafimaad gaar ah oo loo fidinayo dadka naafada iyo kuwa saboolka ah. 3) DGGM markay fulinayso siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxaa xil ka saaranyahay ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia’aan ah, fayodhawrka guud iyo biyo nadiif ah oo la cabikaro. 4) DGGM waxay oggoshahay furashada adeegga caafimaad ee gaarka ah waxayna soo saareysaa xeer ay ku nidaamineyso.

Qodobka 18aad.

Xaqa Daryeelka Qoyska, Haweenka iyo Caruurta.

1) Xannaanada hooyada iyo caruurtu waa waajib saaran DGGM ayadoo waalidka uu saaran yahay daryeelka, bar-baarinta suubban iyo waxbaridda caruurtooda.

2) Qofka qaangaarka ah waxaa waajib ka saaranyahay xannaaneynta waalidkiis haddii waalidku isku filnayn xag sababo caafimaad, dhaqaale ama gabow.

3) DGGM waxuu ilaalinayaa, dhiirigelinayaa guurka.

4) Caruur waxaa loola jeedaa qofka da’diisu ka yar tahay shan iyo toban (15) sano.

5) Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad, koriimo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad.

6) Waxaa reeban shaqada wax u dhimaysa caruurta noloshooda, caqiidadooda, dhaqankooda, koriimadooda iyo waxbarashadooda.

7) Qoysku waxa uu ku dhismaa lab iyo dheddig ku heshiiya guur si waafaqsan Shareecada Islaamaka.

8) Guurku ansax ma noqonayo haddii aaney labada dhinac midkood uusan gaarin da’ada guurka si waafaqsan Shareecada Islaamka.

9) Caruurta waa in loola dhaqmaa si waafaqsan Qodobka 29aad ee Dastuurka JFS, marka laga reebo Faqraddiisa Sideedaad (8).

10) DGGM waxay daryeelaysaa maatada, agoonta, geesiyiintii shuhadada u soo halgamay, kuna naafoobay difaaca dalka iyo diinta, iyo kuwa da’da ah.

11) DGGM waxay ku dadaalaysaa kor u qaadista daryeelka iyo horumarinta reer miyiga.

12) DGGM waxay u abuuraysaa haweenka jawi wax ku ool ah sidii ay si firfircoon uga qeyb qaadan lahaayeen arrimaha dhaqaalaha, nolosha bulshada iyo siyaasaddaba.

Qodobka 19aad

Daryeelka Dadka Baahida Gaarka ah Qaba

1) DGGM waxa ay dadka baahida gaarka ah qaba siineysaa daryeel caafimaad, xannaano, waxbarasho, qalabyo casri ah, xirfado iyo fursado ay ku shaqeystaan.

2) Dowlada ayay waajib ka saaranyahay daryeelka qofkasta oo aan is-daryeelikarin, cid daryeeleysana aysan jirin.

3) Dowladu waa in ay dhiirigalisaa, samaysaana hay’ado u gargaara iyo xarumo lagu xanaaneeyo dadka ku xusan farqadaha 1aad iyo 2aad ee Qodobkaan.

4) Xeer gaar ah ayaa qeexaya dadka loo aqoonsanayo inaysan is daryeelikarin iyo heerarkooda.

Qodobka 20aad.

Daryeelka Agoonta iyo Dadka ku Naafooba La-dagaallanka Argagixisada

1) DGGM waxay daryeel buuxa siinaysaa agoonta ka soo jeeda degaannada DGGM.

2) DGGM waxay si gaar ah u daryeeleysaa agoonta shuhadada naftooda u huray difaaca diinta, dadka iyo dalka.

3) Qofkasta oo ku naafoobay la dagaalanka argagixisada iyo difaaca degaanada Galmudug wuxuu xaq u leeyahay daryeelkiisa inta uu noolyahay.

4) Golaha Xeer-dejinta DGGM ayaa ka soo saaraya xeerar gaar ah oo lagu nidaaminayo daryeelka agoonta.

Qodobka 21aad.

Masuuliyadda Ciqaabta.

1) Masuuliyadda ciqaabtu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dambiyeed uu geystay qof kale, waxaana reeban masuuliyad ciqaab wadareed haddii aysan jirin dambi wadareed. 2) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay Xeerku dembi uusan u aqoon, qofna laguma xakumi karo ciqaab aan lagu tilmaamin Xeerka.

Qodobka 22aad.

Xaqa Dacwada, Eedeysanaha iyo Isdifaaca.

1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad Xeerka waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.

2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax-bannaan, caadil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan ama golihii kale ee awood u leh , lana galo waqti maangal ah,

3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwad, heer kasta oo ay taagan tahay.

4) DGGM waxay u damaanad-qaadaysaa difaac lacag la’aan ah shaqsiyaadka iyo bulshooyinka marka ay si Xeer ah ay ugu raadinayaan danta guud.

5) Qof kasta waa bari illaa maxkamad si kama-dambays ah ugu xukunto dambiile.

6) Qof kasta oo xoriyadiisa laga qaado lana xiro, waa in 48 (afartan iyo siddeed) saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwaddiisa, waana in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu sheego waxa lagu soo eedeeyay.

7) Dacwad baaristeedu 60 maalin kabadan socon kartaa ma jirto, haddii eedeysanaha lagu caddeynwaayo dambiga waa in galka dacwada la xiro eedeysanahana la sii daayo, haddii hay’adaha amniga u baahdaan in ay hayaan eedeysanaha waqti mudadaas ka badan waa in ay horgeeyaan garsoore sababo maangal ah.

8) Qof kasta oo ku sugan degaanka DGGM ee aan awoodin in uu u yeerto wakiil Xeer oo difaaca, waxaa uu xaq u leeyahay in loo qabto qareen maxkamada horteeda ka difaaca.

9) Qof kasta oo xoriyadiisa laga qaado waxa uu xaq u leeyahay in lagu xiro xaruumaha laamaha amniga oo kaliya, kuna haboon nolosha aadanaha, kana helikaro biyo, cunto, hooy iyo akhbaaraad, waana in la ilaaliyaa nabadgalyadiisa iyo sharaftiisa aadaminimo.

10) Qof kasta oo xoriyaddiisa laga qaado waxa uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco eedeymaha loo soo jeediyo iyo cadeymaha la soo hordhigo, qofna laguma qasbi karo dambi-qirasho.

11) Xabsigu waa edbin iyo anshax toosin , DGGM xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.

12) Argagaxisada waxaa loola dhaqmayaa si ka duwan sida loola dhaqmo eedaysanayaasha kale, soo qabashadooda, baaristooda, maxkamad geyntooda iyo xabsi ku hayntooda, waxaa nidaaminaya xeer gaar ah.

Qodobka 23aad.

Xaqa Dhaq-dhaqaaqa iyo Safarada

1) Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu u safro halka uu doono, kuna soo noqdo hoygiisa marka uu doono islamar ahaantaana uu doorto in uu dago halka uu doono, sida ku xusan qodobka 21aad ee Dastuurka JFS.

2) DGGM waxa ay muwaadinkeeda u sahlaysaa inuu ka helo degaankiisa Dokuumenti Safar oo ka soo baxay Xaafiiska JFS u qaabilsan soo saarista dokumentigaas.

Qodobka 24aad.

Xorriyada Cabbiraadda Fikirka, Hadalka iyo Hal-abuurka

1) Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu yeesho, doono, helo, gudbiyo, soona bandhigo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba, isagoon ku xadgudbin anshaxa iyo amniga guud.

2) Qof kasta waxa uu xaq u leeyhay in uu ka soo jeediyo aragtidiisa meel fagaaro ah, warbaahin, ku qoro wargeys, ku daabaco buug ama ka soo saaro riwaayad ama filim ama warbaahinta elektroonikada ah.

3) Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay soo bandhigidda hal-abuur aan wax loogu dhimeyn, shaqsi, koox ama bulsho.

4) Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha waa xuquuq gaar ahaaneed waxaa nidaaminaya xeer gaar ah.

Qodobka 25aad.

Xuquuqda Warbaahinta.

1) Qofkasta waxa uu xur u yahay in uu sameysto war-baahin gaar ah ama ka hadlo warbaahinta, lamana xadidi karo tiradooda iyo hannaanka shaqadooda, iyadoo la raacayo si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka DGGM iyo JFS.

2) Qofna lama faragalinkaro xiriirkiisa warbaahineed iyo qoraaladiisa gaarka ah marka laga reebo xaaladaha Xeerku baneeyo baaritaankooda, dabagalkooda ama dhagaysigooda, marka taas lagu tilaabsanayo waa in uu jiraa amar garsoore oo sababaysan.

3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso.

4) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.

5) Golaha Xeer-dejinta DGGM waa in uu soo saaraa Xeer lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.

Qodobka 26aad.

Hantida Gaarka ah.

1) Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu yeesho hanti u gaar ah, isticmaalo, ku raaxeysto, iska gado ama wareejiyo si waafaqsan Dastuurka JFS, Qodobkiisa 26aad.

2) Hase yeeshee: a) DGGM waxa ay la wareegi kartaa hanti gaar ah, haddii ujeedadu tahay danta guud ee DGGM iyo JFS. b) Qofkasta oo hantidiisa ay la wareegto DGGM ama JFS iyadoo la raacayo danta guud waa in uu helaa magdhow caaddil ah oo lagu heshiiyay ama ay maxkamadi go’aamisay.

3) Wixii hanti guud ah oo ay lahaayeen dowladihii hore waxay hoos imaanayaan gacanta maamulka DGGM. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya hantida ay iska kaashadaan DGGM iyo jaaliyadaha, shirkadaha ama hay’adaha gaarka ah.

4) DGGM waxay dhiirigalinaysaa suuqa xurta ah iyo maalgalin shisheeye.

Qodobka 27aad.

Deegaanka (Bii’ada).

1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay deegaan nadiif ah oo aan waxba u dhimaynin caafimaadkiisa iyo in laga ilaaliyo deegaanka wasaqaysan.

2) Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu qeybtiisa ka helo kheyraadka DGGM, islamarkaana lagu xadgudbin lana khasaarinin kheyraadka deegaanka.

3) DGGM waxa ay soo saareysaa nidaam Xeer ee lagu dhowrayo deegaanka kaas oo aan ka horimaankarin Xeerka deegaanka ee JFS. 4) Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, iyo dagaalada waxay DGGM ka yeelanaysaa ku-talagal iyo u diyaargarow hore.

Qodobka 28aad.

Xoriyadda Sameynta Urur Bulsho iyo ka Qeybgal Banaabax.

1) Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abuuro urur bulsho ama uu xubin ka noqdo, si waafaqsan Xeerka.

2) Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo kulan, kana qeybgalo, umana baahna oggolaasho xukuumadeed sida ku cad qodobka 20aad ee Dastuurka JFS.

3) Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo ama ka qeyb qaato bannaanbax nabadeed.

4) Qofna laguma qasbi karo inuu ku biiro ama ku jiro ururo nooc kasta ah, laakiin waxaa ka mamnuuca ku jirista, ka shaqaynta iyo la shaqaynta ururada xag-jirka ah kuwaas oo dhaqdhaqaaqooda laga mamnuucay DGGM.

5) Lama abuuri karo urur leh qaab ciidan ama argagixiso.

Qodobka 29aad.

Xaqa Ka Qeybgalka Siyaasadda iyo Doorashada.

1) Muwaadin kasta wuxa uu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed heer dowlada DGGM ama heer JFS, ayadoo xaqa siyaasadda muwaadinka aan la xadeyn karin lana laali karin.

2) Muwaadin kastaa waxa uu furan karaa xisbi siyaasadeed ama waxuu xubin ka noqon karaa isagoo raacaya Xeerarka DGGM iyo JFS.

3) Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto si waafaqsan Xeerarka doorashooyinka ee heerarka DGGM iyo JFS.

4) DGGM, waxa ay soo saareysaa Xeerka xisbiyada siyaasadda iyo Xeerka doorashada ee heer DGGM.

Qodobka 30aad.

Fasiraadda, Xaddidaadda Xuquuqda Aadanaha iyo Saxidda Tacaddiyada.

Fasiraadda iyo xaddidaadda xuquuqda aadanaha iyo saxidda ku xadgudubyada xuquuqda aadanaha waxaa loo marayaa sida ku xusan Qodobada 38, 39 iyo 40 ee Dastuurka JFS.

Qodobka 31aad.

Waajibaadka Muwaadinka.

1) Waxaa waajib ku ah muwaadinka ku nool DGGM ilaalinta midnimada ummadda, Dastuurka iyo Xeerarka DGGM iyo kuwa JFS, ka qeyb qaadashada xasilinta ammaanka, iyo xoojinta nabad-ku-wada-noolaashaha iyo horumarinta dhaqaalaha DGGM.

2) Muwaadinka waxaa waajib ku ah bixinta taakulada DGGM iyo JFS.

3) Muwaadinka waxaa waajib ku ah difaaca dalka, diinta iyo dadka iyo bixinta tabarucaadka looga baahdo.

4) Qof kasta waxaa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

La Soco Qeybta 4-aad

Waxaa Diyaariyey : Maxamed Dhagacade