XASAASI: Al-shabaab waxay Qaraxyada ka sameeyaan Sunta Beeraha

0

Shir dhinaca Amniga ah oo ka furmay Magaalada Kismaayo ayaa laga sheegay in Al-shabaab qaraxyada ay ka sameystaan suntan ay Beeraleydu u Isticmaalaan Bacriminta.

Waxaa laga soo saaray war lagu muujiyay in Al-shabaab ay qaraxyada ka sameystaan Sunta Beeraleydu Bacriminta Beerahooda u Adeegsadaan, taasoo keeni karta in lala xisaabtamo Ganacsatada ay usoo degto.

Shirkaan  oo ay kaqayb galeen wasiiru dowlayaasha wasaaradaha Amniga dowlad goboleedyada dalka,Gudoomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee wasaradda amniga gudaha dalka,sarakiil booliska oo ka socday,UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga dalka tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad gboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.

Wasiiru dowlayaasha Wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Maamulgoboleedyada.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sharaxad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay  shirkaan maanta kismaayo ka furmay,waxaana uu wasiirku sheegay in xooga lagu saari doono tayeynta Ciidanka booliiska dalka iyo xoojinta Amniga dalka.

Shirkaan ayaa socon doona mudo labo casha ah,waxaana diirada lagu saari doona xasiloonida dalka iyo wada shaqeynta lamaaha Amniga.