Xasan Daahir Aweys oo weerar afka ku qaaday Madaxda labada dhalasho haysata

0

Shiikh Xasan Daahir aweys oo hore u ahaan jiray hoggaamiyihii xisbul Islaam ayaa ka hadlay fikirka uu ka qabo dadka labada Baasaboor leh.

Shiikh Xasan Daahir oo hadda Xabsi guri ugu jiro dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay barnaamij yar kasoo duubay dadka Soomaaliyeed ee labada Baasaboor leh.

Shiikh Xasan ayaa si gaar ah usoo qaatay Amiino Muuse Wehliye oo uu sheegay inay Assey u qaaday dalka Soomaaliya iyo sidii nabadgalyo iyo dowlad looga heli lahaa.

Farriin cod ah oo uu soo diray ayuu Sheekh Xasan Aweys ayuu ku sheegay in qofka labada baasaboor leh ee u dhaartay maslaxadda dalal kale inay fulin karaan oo kaliya maslaxadda dalalka ay dhaarteen.

Hadalka Shiikh Aways ayaa u muuqda mid weerar Xoogan ku ah Madaxda Sare ee Dalka sida Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Khayre oo haysta Dhalshada Dalalka Maraykanka iyo Norway marka laga soo tago in Asalkoodu Soomaali yihiin, Aqoon hayano badan ayaa la qaba Aragtida ah inu qofka doonaya inuu Dalka Xilka ka qabto Garahaan Xilalka ugu sareeyo uu marka hore iska dhigo Dhalashada Dalka kale ama uusan Xil nuucas ah qaban karin.

Waa farriintii labaad oo uu Xasan Daahir aweys soo duubo muddo hal bil gudahood, wuxuuna farriintii middaan ka horeysay kaga hadlay Xarakada Al-Shabaab.