canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Guushii Jawaari Gaaray Sheegayna inuu… | XOG-DOON NEWS

Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Guushii Jawaari Gaaray Sheegayna inuu…

Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu hambalyeeyay xilka markale afarta sano ee soo socoto loo doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay doorashada baarlamaanka ee maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, isagoo bogaadiyay guddiga doorashada sida habsamida leh ee ay u wadeen hanaanka doorashada.

“Waxaan Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu hambalyaynayaa in uu noqdo markale Guddoomiyaha baarlamaanka ee afarta sano ee soo socota, waxaan kaloo amaan u jeedinayaa musharixiinta kale ee tartanka la galay Guddoomiyaha” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa ciidamada amniga ku bogaadiyay xaqiijinta amniga caasimadda, maadaama lagu guda jiro dhameystirka hanaanka doorashada dadban ee dalka, isagoo shacabka ka codsaday inay muujiyaan dulqaad.

Halkaan kala soco Wararka

.