Xasan Sheekh oo muddo yar lagu tabay”Duqii doona ducana ugu dara waad na dilateene!”

0

Xasarada Galmudug ayaa meel sare gaartay markii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta uu soo saaray waraaq uu ku sheegay inuu ku taagaray 17-dii Xildhibaan ee sheegay inay Xaaf xilka ka qaadeen.

Haddaba waxaa durba baraha Bulshada la bilaabatay ceeb iyo fadeexad arrintaan ku aadan, waxayna inta badan aqoonyahanada barahooda Bulshada soo dhigeyn inay dowladda Soomaaliya dadka tabsiisay Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Bashir M. Xirsi waa Abwaan iyo qoraa sare oo Soomaaliyeed kaasoo inta badan kasoo hadlo waxyaabaha qaldan, wuxuuna markaan bartiisa Facebook soo dhigay qoraal meel fog taabanayo.

Halkaan hoose ka akhriso:

Aniga waxay iga joogtaa, meeshii ay ka maraysay laashinkii weynaa iyo abwaankii murtida Abshir Nuur Faarax “Bacadle” Eebbe ha u raxmadee, markii jabhaduhu dalka soo galeen, ee la riday rajiimkii MSBarre, uuna arkay, in aan wax soo wanaagsanaanaya aysan jirin, ayuu gabay aad u qiimo badnaa ka tiriyey, uuna ku jiray baydka sare.

Marka hadda, duqii Xasan ahaa, oo aan anigu kow ka ahaa, kuwii ugu dhaliisha badnaa, noo doona welibana duco ugu dara, kuwan afar gu’ la ma sii xammili karee! Alla adaa faxan.

Xasanow; xaal, cimaamad, koofi, hoosgunti, baakoor iyo wax walba, oo qof loogu hoydu ayaan ku guddoonsiiyey. Raalli iga noqo, raalli naga noqo.

“Duqii doona ducana ugu dara waad na dilateene!”

W/Qoray: M. Bashiir Xirsi