Xiisad kasoo Cusboonaatay Beled-xaawo & Ciidamada Kenya iyo Shacabka oo isku dhacay

0

Degmada Beled-xaawo oo ay dhul ballaarsi ka sameyneyso dowladda Kenya ayaa maanta waxaa ka dhacay Rabshado aysan Khasaare badan ka dhalan, markii ciidamada Kenya ay isku dayeen in ay Burburiyaan dhismeyaal.

Rabshadaha ayaa billowday markii dadka deegaanku ay joojiyeen Gaadiid doonayay in ay Burburiyaan Guryo ka mid ah kuwa degamada Beled-xaawo.

Mid ka mid ah odayaasha degmada ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay isku dayeen in dadka isu soo baxay ay kala raacdeeyaan, waxayna Rasaas ku fureen dadka isu soo baxay.

Ciidamada iyo Dadka Shacabka ah ayaa markaas waxaa dhexmaray rabshad uusan Khasaare ka dhalan, in kastoo ay weli ciidamada iyo Gaadiidka wax burburinta loo keenay ay joogaan goobta.