Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug, Cabdikariim Maxamed Cusmaan Ciiro ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Wuxuu ku xanuunsanayay Toddobaadyadii u dambeeyay Muqdisho, sida ay ahalladiisu sheegeen, wuxuuna geeriyooday Xalay.
Xildhibaanka Geeriyooday ayaa ka mid ahaa Mudaneyaasha ugu firfircoon Baarlamaanka Galmudug, balse maalmihii lasoo dhaafay aad ayuu u xanuunsanayay taasoo keentay in uu markii dambe u geeriyooday xanuunkii hayay.
Muqdisho waxaa November lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ay dileen Ilaalada xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya.