Xildhibaan Saabir “Gudoomiye Jawaari Waa Macallin aan wax ka Baran karno”

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Osman Jawaari waa mid ka mid ah shaqsiyaadka da’ahaan garaad ahaan iyo aqoon ahaanba ugu muhiimsan Xildhibaanada Golaha Shacabka jecelna u hogaansanka sharciga.

Guddoomiye Jawaari Waa macallim waxbadan ay ka baran karaan Xildhibaanada ku so biiray Golaha shacabka ee aan aniguba ku jiro, waana guddoomiyihii soo shir guddoomiyay labadii doorasho ee u dambaysay ee Dalka ka dhacday anagoo ka soo baxnay xaalad aad qatar u ahayd oo ay adkayd in la is aamino, waxayna isku raacsanaayeen 20 musharax ka badan cadaaladiisa iyo odoytinimadiisa taasoo aysan jirin cid wax ka tabatay.

Isagoo sidaas u da’weyn, muxtarim ah, kuna karaamaysan kursigiisa ayay hadana kala aragti duwanaan karaan xildhibaanada qaar lakin waa in lagu kala baxaa loona hagaansamaa Dastuurka iyo xeer hoosaadka inoo qoran.

Waxaa nasiib darro, ayaan darro, qayru masuulnimo ah in masuulkaas taariikhdaas leh maantay lagu bixiyo lacag si looga caayo baraha bulshada meelna looga dhaco sharafkiisa, karaamadiisa, waxaase ka sii daran in lacagtaas ay tahay mid laga so bixiyay qasnaddi dowladda oo ay horkacayaan labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha anagoo wada og dhaqaalahaas iney u dhimanayaan malaayiin Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacaya.

Kaligi talisnimo waxaan ka soo dhaxalnay waa naqaan ee ha loo hogaansamo Sharciga.

Hon Sabir Shurie.