Xildhibaan Soomaaliyeed Oo Lagu Jir Dilay Dalka Kenya

0

Ciidamada dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay jir dil xoogan u geysteen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS, lana dhashay allaha u naxariistee Wasiirkii la dilay ee Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji, ayaa la xaqiijiyay in iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana laga jir dilay qeybaha sare ee jirka, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska uu kasoo jeedo.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo hadda jiifa Isbitaal ku yaalla Nairobi, ayaa waxaa si gaara u jir dilay ciidamada Booliska kuwaa oo ku andacooday inay ka shakiyeen gaari uu saarnaa Xildhibaanka oo u muuqaal ekaa mid lasoo xaday.

Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska ee loo aaneynaayo inay goobjoog ka ahaayen Kiiska ayaa sheegay in xiliga ay Jir dilayeen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ay ku guda jireen baadi-Goobka Gaari la xaday.

Dowlada Soomaaliya Wili Kama Aysan Hadal Arintaan.