Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan leh Muqdisho

0

Xldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu soo wargeliyay Ajandaha Kulanka maanta inuu yahay Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ka hor aqrin doono hindise sharciyeedka batroolka, iyada oo sidoo kale Wasiirka uu sharaxaad ka bixin doono ahmiyada sharcigan iyo sida ay Wasaaradiisa u soo diyaarisay.

Akhrinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay talooyinkooda ku dari doonaan sharcigaan iyo sida ay u arkaan.

Dhamaan wadooyinka soo gala xarunta Golaha Shacabka ayaa la xiray,iyadoo lagu arkayo Ciidamo Boolis ah.