Xildhibaannada Aqalka Sare oo guddi u saaray Kiiska Weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid

0

Mudaneyaasha Aqalka Sare ee dalka ayaa waxay guddi u xilsaareen soo Ogaanshaha iyo Baarista weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Markii kulanka uu socday Saacado ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama Xildhibaan Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.

Waxaa soo xaadiray kulanka 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta Cabdi Qeybdiid, 4 Senatorka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Kulankii maanta ee mudaneyaasha, Arrintan waxaa ku xigay oo ay Aqalka Sare mudaneyaashiisu ka doodayeen waxa laga yeelayo Xeerkii Aqalka Hoose uu Dalka uga Mamnuucay Shirkadda DP World.