Xildhibaannada Aqalka Sare oo Maanta 5 Su’aalood weydiin doona Yuusuf Garaad

0

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa u yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, waxaana ay mudaneyaashu wax ka weydiin doonaan waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda, Arrinta Maxaabiista dibadda ku xiran iyo waxyaabo kale.

Wasiirka ayaa ka mid ah dhowr Wasiir oo ay Golaha Aqalka Sare ugu yeereen Xaruntooda, si su’aalo ku aaddan waxqabadkooda loo weydiiyo.

Su’aalaha ugu muhiimsan ee uu maanta Wajahayo waxaa ka mid ah.

  • Waxqabadka Wasaaraddiisa Muddada ay jirto
  • Qorsheyaasha Wasaaradda ee uu doonayo in uu waqtiga dhow wax ka qabto
  • Arrinta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada dibadda, si gaar ah dalka Hindiya
  • Xiriirka Caalamiga ah iyo waxa uga Qabsoomay
  • Sidoo kale xaaladda dhaawacyadii dalka dibaddiisa loo qaaday oo wasaaraddiisu ay qeyb weyn ku laheyd in dibadda lagu soo baxnaaniyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in wasaaraddiisu ay ku guuleysatay in ay Arrimaha Maxaabiista Soomaaliyeed kala soo hadasho dalalka ay ku xiranyihiin, waxaana dalalka Aqbalay in ay Soomaaliya kusoo wareejiyaan ha yeeshee shuruudo ku xiray ka mid ahaa Hindiya iyo Ethiopia iyadoo sidoo kale ay jiraan Maxaabiis badan oo ku xiran Seychelles.