Xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya Xeerkii DP World oo kasoo saaray Aqalka hoose

0

Mudaneyaasha Aqalka Sare ee dalka ayaa maanta waxay ka doodi doonaan, xeerkii Aqalka hoose ee Baarlamaanka ay kasoo saareen shrikadda DP World oo lagu sheegay in dalka looga mamnuucayo.

Golaha Aqalka Sare ayaa waxay ka fiirsan doonaan Go’aan kama dambeys ah oo ay dhankooda ka qaataan shirkadda reer Imaaraat.

Kulanka maanta ee Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr Ajande waxaana ugu weyn Xeerka Dhowridda Madaxbannaanida Soomaaliya kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka Meel mariyeen islmarkana dalka looga Mamnuucay Ssirrkadda DP World ee laga leeyahay Wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dhanka kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa dabagal ku sameyn doona Weerarkii bishii December ee sanadkii 2017-kii  lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho Ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.