Xildhibaannada Jubbaland oo digniin u diray Dowladaha Mareykanka & Kenya

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa digniin adag u diray Dowladaha Soomaaliya ka taageera la dagaallanka Al-shabaab.

Dowlada Kenya iyo Mareykanka ayuu hadalka xildhibaannadu u taabanayaa, kuwaas oo loo sheegay in ay joojiyaan waxyeellada ay u geystaan dadka rayidka ah inta ay ku jiraan howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka sameeyaan Somalia.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay taageersanyihiin si walba oo Shabaab looga saarayo Soomaaliya, waxayse sheegeen in aan loo dulqaadan doonin in dad rayid ah ay ku waxyeelleeyaan Duqeymaha ay geysanayaan.

Degmada Afmadow duleedkeeda duqeyn ka dhacday ayey sheegeen in ay ku dhinteen dad rayid ah, isla markaana aan loogu dulqaadaneyn oo lagala xisaabtami doono dowladaha howlgalladaas fuliya sida ay u fuliyaan.

Haddii dad shacab ah ay ku dhintaan weerarradooda ayey sheegeen mudaneyaashu in laga rabo Magtooda oo aysan jiri doonin in looga Aamuso, sida ka dhacday meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.