Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo Mucaaraday Heshiiskii Galmudug & Ahlu-sunna

0

Qaar ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeestay Heshiiskii dhexmaray maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna, kaasoo qodobbadii ugu dambeeyay lagu kala saxiixday Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay ku doodayaan in aan iyaga laga talagelin heshiiska, isla markaana aysan taageersaneyn natiijadii kasoo baxday.

Shalay kulankii u dambeeyay ee ka dhacay Villa Soomaaliya, waxaa lagu kala saxiixday in Shiikh Maxamed Shaakir uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Galmudug, isla markaana ay Ururkiisu ku biiraan dowlad Goboleedka Galmudug.

Heshiiskaas ayaa seddax Shir keddib si rasmi ah u dhacay, waxanaa labada weji ee shirarka hore ah ay ka kala dhaceen, Nairobi iyo Djibouti iyadoo ay labada dhinac ugu dambeyn gaareen heshiis dhaxalgal noqon doona.