Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo wada Mooshin dib loogu dhigayo Go’aankii laga qaatay DP World

0

Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka dalka oo kasoo jeeda Somaliland ayaa doonaya in dib loo dhigo Arrinta Shirkadda DP World, iyagoo sheegaya in go’aanka laga gaaray shirkaddaas uu yahay mid halis ah.

Xildhibaannada oo tiradoodu dhantahay 11 ayaa waxay yihiin kuwo diiddan go’aankii Baarlamaanku uu ka qaatay DP World ee ahaa in ay dalka isaga Baxdo guud ahaan, isla markaana aysan Heshiisyo dambe la geli karin Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Waxay horay heshiis ula gaartay Maamulka Puntland iyo Kan Somaliland ee Gobollada Waqooyi, waxayna dooneysaa in ay maamulladaas ka ilaaliso dhismaha Dekado kale oo muhiim u ahaan lahaa dadka gobolladaas.

Heshiiska Dekadda Berbera oo ay wada saxiixdeen Itoobiya, DP World iyo Somaliland, wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Midnimada Umadda Khatarta ku ah, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in Go’aanka ugu dambeeya laga sugayo madaxweynaha, iyadoo sidoo kale Ra’iisul Wasaarahana uu warqadda dambe ee madaxtooyada kasoo bixi doonta la wadaagi doono Xukuumada Dubai, haddii aysan wax ka qabanna waxaa laga fiirsan doonaa xiriirka Imaaraatka iyo Somalia.

11-ka Xildhibaan ee kasoo Jeeda Somaliland ayaa sheegaya in ay Wadaan Mooshin dib loogu dhigayo Go’aanka dowladda Soomaaliya, iyagoo dhaliilsan in dowladdu ay Go’aan deg-deg ah ka qaadato Shirkaddaas iyo Heshiiska ay la gashay Somaliland.