Xisbiga Waddani ee Somaliland oo Warqad ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka Gudbiyay “Halla Kala Diro”

0

Xisbiga Waddani ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay Kalsoonida kala Laabteen guddiga Doorashooyinka maamulkaas, iyagoo ku dhawaaqay in ay daruuri tahay in Guddigaas la kala diro.

Waxay Xisbigu kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa maanta kasoo saareen in ay Qaadacsanyihiin si walba oo uu wax ku maamulay Guddigu, isla markaana ay tahay in hadda la kala diro oo lasoo dhiso Guddi Doorasho oo xalaal ah.

Waxay dhaliishooda horay u gudbiyeen markii looga guuleystay doorashadii ka dhacday deegaannada maamulka Somaliland, waxayna markaas ku dhaliileen maamulka guddiga in uu codadka qaarkood si qalad ah ku siiyeen Muuse Biixi.

Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiyaha Waddani ayaa sheegay in ay Warqad Kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Guddiga u gudbiyeen maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.