Xog: Abiy Axmed oo Xaalku ku Xun yahay?

0

Xukuumada Abiye Ahmed waxay ku jirta xiliga ciyaarta loo yaqaano dhimashada(Injury time), Waxaa aloosan Xamaasad wali wax dajiya la la’yahay.

Waxaa Gooni isu taagay Deeganka Tigreey oo Albaabada soo laabtay, Waxaa sidoo kale aloosan khilaaf Qowmiyadaha dhexdooda oo sababay inuu istaago isdhex galka bulshadu.

Jamacadaha dalku waxay qayb laxaad leh ka qadanayeen isdhex galka dhaqamada bulshada balse waxaad moodaa in Degaan kasta seero ootay oo aan loo soo gudbi Karin.

Kun kaas caqabadood waxaa kasii daran mida Deeganka raysal wasaraha (Oromia) ka aloosan, Waxay dagaal weeraro ku qaadayaan Soomalida(Moyale,Diridhaba iyo Tuliguled), Waxay sidoo kale weeraro ku qadayaan Hararida, Dhanka kale Xuduudka Benishangul ayaa laga cagan yahay oo Guud ahaan ilaa Aaga gobolka Wollega ayaa falaagoobay oo aysan dawlada iyo Deeganka Oromia Fooda gal in Karin,Gobolkan ayaa ah meeshii hogaaminta benishangul lagu laayay Maantana dadka Miinada loogu dhigay.

Jabhadii ONAG ayaa Dawladii Lema iyo Tii Federalka ka awood badatay shacabkuna codkeeda waxaan ahayn ma maqlayaan. Dhanka kale Jawhar iyo warbaahintiisa ayaa shacabka ku kicinaya Alaas iyo Muuqaalo laga sameyay Agagarka Magalada Addis Ababa taas oo kicinaysa Dagaal Axmarada la la galo,Maadama muqaladan Shucuurta beeralayda Oromada kicinayaan.

Dawlad Deeganka Axmarada ayaa dhufays ugu jira tigreega iyagoo ku hanjabaya Afti Degdega, Raysal wasaraha iyo Bayanadiisi Xadayntana waa lagu gacan saydhay.